Laga soo bilaabo malintii qarankeena somalilnad rukunada loo dhidbay, waxaa ka soo wareegay, mudo 22 sano, geedigaas dheer qaranku waxa uu ka soo bilaabay hayaankiisa, meel aad u fog isaga oo gunta ka soo unkay jamhuuriyada labaad ee maanta 22 gu’ jirta, iyada oo jamhuuriyadii koowaad ahayd, tii inaga siqiirtay 1960, iyada oo aan ka duulaayo, geedi gaas, dheer isla markaan aan dacalka ka dhaafayn guulaha la gaadhay, maankana ku haya halka aan ka soo bilawnay, waxa maanta inoo taal in aan si dhaba uga wer-celino weydiinta odhanaysa, guul u qalanta 22 kaas sano ma gaadhnay? Mese goyney geedigii loo baahnaa? Maxaase inag dhiman? Waxaas oo dhana waxa ka mudan, halkeen geedi u nahay?
Waxa aad iyo laxaad u mudan in hadii ummadi ku heshiiso in ay geedi guurto, in geedigaasi yahay geedi mudaysan, oo u xidhxidhan xubno, oo xubin kastaa leedahay, waa in waxaas la qabtaa, mudadaasna lagu qabtaa, xoolahaas baana ku baxayaa xubintaas, hadii sidaas waxa loo wado, waxa uu qarankeenu yeelanayaa, bar bilaw, iyo geedi higsi aqooneed mus-danbeed u yahay, garashana hagayso, waana taas ta ummadi aduunyada halka hore kaga gashaa.
Bulshada Somaliland uma qalnato in ay aduunyada halka danbe, kaga taalo, waayo maaha sharata iyo milgaha dadkayga Somaliland, inagoo ah dadka ugu qiimaha iyo meeqaamka sarayna afrika, dhanka aqoonta tayada dadnimo, iyo halka dadkeenu kaga jiraan bulshda aduunka, waa in qarankeenuna sidaas oo kale noqdaa, oo uu adunka halka hore kaga yaalaa, taasana waxa aan ku gaadhi karnaa.
In aan garsho wanaagsan aan isla kaashano
Xoolaha aan haysano oo aan sida ugu haboon u adeegsano
In aan karti iyo dadaal aan muujino
In aan kac-doon aqooneed oo dhaba aan wadankeena ka samayno
In aan ka faaiidaysano guulaha ummadaha kale gaadheen
In aan qarankeena u samayno RUGTA AQOON BAADHISTA QARANKA
Hadaba waxa mudan bal in aan is dul taago, hadii aan rabno in geedi rasmiya oo aan u geedi nahay, in aan bulshda aduunka aan waxa la qaybsano, waa in aan si dhaba u ogaanaa dabarada inagu shakaalaan, ee inoo diidan ama inag hor-tagan in aan geedigaas aan guurno, sida ay ila tahay cabdale ahaan, waa shantan (5) tiir oo u baahan in aan si dhaba u dhugano, kana hal-beeg qaadano,
Tiirarkani waa tiirarkii lagu taagay qarankeena, sida ka muuqata geediga aan ku soo jirnay 22kaas sano, hadaba ma xuma ee aan bal isaga laftiisa aan dul istaagano, oo dib-u-eegis aqooneed aan ku samayno, waxa aan ku guulaysanay, waxa ka dhiman, oo aan qabyo tirno, si aan geediga u sii wadno, waana kuwan shantii tiir.
Xereynta ciidamo beeleedyada, iyo xasilinta nabada.
Sameynta dastuur, iyo ka guurida hab-beeleedka
Raadinta aqoonsi buuxa
Kobcinta dhaqaalaha, iyo xasilinta dhuuniga
Hogaaminta qaramada dagmada iyo kuwa aduunka
Hadaba tiirarkaasi waxa weeyi higsiga uu u geedi xidhay qarankeenu, geedi kastaana waa xiliyaysan yahay, inaga oo hadaba higsigaas ka duulayna ma gaadhnay? Maxase inooga dhiman? Maxase inga hor-taagn higsigaas?
Aan gun uga dhigo shantaas qodob, qormadaydan, aniga oo ka fogaan doona bal in uu qalinku ila cag-rooro, si aanan dhugta ula helo gamuunka.
Labada tiir ee hore, si mug-weyn baan u soo dhaafnay, iyada oo wali xaal-xaal yari inoogu hadhsan yahay, oo ay ugu mudan yihiin.
Xereynta ciidamada buuhoodle iyo bariga fog ee gobolada Sanaag iyo Sool
Dhidibka u aasida nabada gobolada bariga
Cidhib-tirka hab-beeleedka(siiba ku qaybinta xilallka qaranka)
Xalinta muranda mudo-dhaafay ee beelaha oo ay ugu mudan yihiin
# – dhibta ka taagan Saylac
# – dhibta ceel-bardaale
# – dhibta buuhoodle
#- dhibta taleex
Fidinta maamulka, siiba dhanka bari
Xalinta saami-qaybsiga kuraasta labada aqal
Sameynta tiro-koob qaran oo sugan
Kicinta waaxda garsoorka
Intaasi waa inta ka dhiman labada tiir ee hore, iyada oo aan intaas hawl badan, oo culeyskeeda leh aan ka qabanay, hadaba waxa aad aan ugu baahanahay in aan 8 dabar aan ka furno labadaas tiir, si aan inta kale ugu soo gacan- baxno.
Aan u soo dago 3da tiir ee kale, mid midna aan u dul is-taago, aniga oo hoota dhigi doona waxa ka dhiman tiir kasta.
Tiirka 3aad-
Raadinta aqoonsi buuxa
Tan iyo malintii qarankeena Somaliland, aan dib u la soo noqonay 1991kii, waxa aan geed dheer iyo mid gaabanba aan u fuulnay, helida aqoonsi buuxa oo aan aduunka ka helno, kaas oo uu ugu mudan yahay aqoonsi siyaasadeed, inaga oo inta kale ee aqoonsiga buuxinay.
Fiiro Gaara
Tiirarka aqoonsiga qaranimo waa in uu lee yahay qaranku
(Dhul) oo u gaara qaranka soohdimihiisuna cayiman yihiin
( dad) ku ab-tirsada dhulka
( aqoonsi) kaas oo laba u kala baxa
#- mid xeer ( low) oo ah in qaranku buuxiyo labadaas qodob ee hore
#- mid siyaasadeed (political) kaas oo 100% dano gaara gunta ku haya
Waa garan kartaa inta ka dhiman qarankeena Somaliland, iyada oo hadaba intaasi jirto, waxa la waday iyada oo labada tiir ee hore la barbar wado in aqoonsi buuxa qaranka loo raadiyo, waxa uu maalinba heer joogaba waxa uu maanta soo gaadhay, gabogabadiisii oo ah, in jid xeer (sharciya) aan ku kala baxno cidii aan wax markii hore isku darsanay, oo ah Somaliy, oo hada si cad loo sii kala guranaayo, oo dhamaan qodobadii lagu heshiiyay ay ku cadayd in labada dhinac ay kala yihiin Jamhuuriyada Somaliland Iyo Dawlada Fadaraalka Somaliya, taas oo marag cad u ah sii kala gurashada dadban ee malinba talaabo la sii kala durkaayo.
Hadaba sida loo garay tiirkan aan in yar soo koobo aniga oo laba u kala jabin doona, oo kala ah
Xalinta dhib-yarta
Xalinta dhib-weynta
1-xalinta dhib-yartu dan-weyn oo buurani inooguma jirto, kaliya waxa ay inag luminaysaa waqtiga oo wadahadalada ayaa inagu dabo-dheeraanay, wana sida hada lagu wado, se yoolkii iyo higsigeenii inagamay leexin, runtuna waxa weeyi dan yar baa inoo jirta.
2-xalinta dhib-weynta, oo ah in hoos loogu dago waxa dhabta ah ee aan u baahanahay in aan isla meel dhigno, kuwaas oo dhankeena ay ugu mudan yihiin
In ay si cad u qirtaan in aan ahayn laba qaran oo isku soo biiray 1/07/1960 kii, taas anaga oo ka duulaynana aan ka baxnay 18/05/1991 kii midnimadii aan idin la galnay
In uu yahay xuduudka u dhexeeya Somaliland Iyo Somaliya kii u dhaxeeyay, labdii qaran ee isku soo biiray 1/07/1960kii ee uu ka tagay, labadii maamul ee ka kala talin jiray, xadkaas oo la dhigay 1891-1907
In ay qirtaan xasuuqii loo gaystay dadka reer somaliland, isla markaana ay garab iyo gaashaan buuxa ku siiyaan somaliland sidii loo hor-keeni lahaa garsoorka
in ay magdhaw ka bixiyaan burburintii gayigeena somaliland, taas oo aan ku weynay dhamaan hantidii aan lahayn oo dhan, raadkeediina sii qoyan yahay.
In hantidii ay la hayd daawladii la isku odhan jiray somaliya, wixii ka nool si siman loo kala qaybsado, hadii ay tahay, safarado, diyarado iyo maraakiiba
In daynta lagu lee yahay somaliya wixii ka horeeyay 1991kii oo aan hub lagu soo iibsan, aan qaybteena qaadano hadii aan nahay somaliland, waayo, amintaasi waa xiligii ay si dhaba u burburaty wixii la isku odhan jiray somaliya, inaguna aan madaxbanaanideenii aan la soo noqonay, se waa in aynaan ogolaan daynta hub lagu soo iibsaday, ileen hubka waxaa loo adeegsaday, burburinta dhulekeena iyo bara-kicinta dadkeena
Qodobada biyo kama dhib-caanka ah, ee aynaan marnaba irbad caaradeed, ka tagayn, danta iyo jiritaanka qarankeenuna ku fadhiyaa waa kuwaas, waan kuwa loo baahan yahay in miiska si dhaba loo dhigo, se xalinta dhib-yarta dan buurani inooguma jirto.
Tiirka 4aad
Kobcinta dhaqaalaha iyo xasilinta dhuuniga
Bulsho kasta waxa uu koboceeda nololeed ku xidhan yahay, hadba inta ay haynteedu tahay, taas oo hal-beeg u ah heerka nolosheeda, hadaba inaga oo taas ka duulayna, habkeen u kobcin karnaa dhaqaale ku taagan tiirar adag oo aan si fudud aan u siibmin ama diga-xaadhku u tirin, si heerka nololeed ee dadkeenu u kobco oo aanu hoos ugu soo dhicin.
Kobcinta ilaha wax-soo-saar ee qarankeena, oo ay ugu mudan yihiin
# – Wadooyinka
# – Xoolaha
# – Beeraha
# – wershadaha
Cidhib-tirka musuq-maasuqa, iyada oo laga cidhib-tiraayo heer kasta, laga bilaabo madaxweynaha ilaa xubinta ugu hoosaysa
Xaliibsanaanta maamulka dhaqaale ee qaranka, kaas oo sees iyo gun u ah, dhawrida dhaqaalaha dawladeena
Beekhaaminta dhaqaalaha, oo ah in xolaha ummadu ay galaan halka loo baahan yahay oo kaliya
In dhamaan hayadahan la hoos-geeyo golaha wakiilada, oo ay ka madaxbananaadan waaxda fulinta
# – hanti-dhawraha guud
# – xisaabiyaha guud
Inaga oo ka cararayna in waaxda fulinta oo uu madaxweynuhu hogaamiya soo diyaariso miisaaniyada qaranka, isla markaana la timaado xisaab xidhkii, kaliya waxa looga fadhiyaa in ay keento waaxda fulintu, oo ay u xil-saran tahay wasarada maliyadu, keenida sanad miisaaniyadeedka, iyo in ay cadayso in miisaaniyad sanadeedkii soo baxay iyo in kale iyo inta soo baxaday, wixii intaas ka danbeeya, gudoomiyaha golaha wakiiladu u xil-saaro xisaabiyaha guud in uu keeno xisaab-dhikii miisaaniyada, taasi hadii ay dhacdo waxa hogaanku u go’ayaa musuqii dhanka waaxda fulinta ka imanaayay oo dhan
In waaxda fulintu waa in ay ka dayso gogol-dhaafka ay ku hayso waaxda xeer-dajinta, oo ku ekaato hawsha loo diray, waaxda xeer-dajintuna waa in ay diidaan gogol-dhaafkaas.
Intaas hadii aan samayno, si fudud buu u kobcayaa dhaqaaleheenu, waxan aan mudo kooban oo hadii ay ugu badato 5 sano ah aan ku gaadhaynaa, in miisaaniyadeena aan gaadhsiino 10,000,000,000(Toban Bilyan) waa hadii aan inagu rageedii nahay, oo geedigaasi inag dhab yahay, hadii se aan sidan aan nahay aan ku socono, waligeen adunka dabada ayan kaga oolaynaa, wax qiimo ah oo aan ku yeelanaynaana ma jiro, Eebe agtiisa iyo Adoomihiisaba.
Tiirka shanaad
Hogaaminta qaramada dagmada iyo kuwa aduunka
Hadii sidaas aan yeelno, waxa aan mudo kooban hogaanka aan u qabanaynaa, wadamada aan ood-wadaagta nahay, wixii intaas ka danbeeyan, waa inaga iyo raganimadeen,.
Aduunkan cida maanta raba in ay wax ka noqotaa, waa qarankii leh
Hanti dhuleed iyo tirada dadka
Dhulku waa hantida ugu mudan ee Eebe uu siiyo ummad, hadaba dhulkaas baa sii kala mudan, waxan hal-beeg u ah in dhulkaasi yahay hanti dhuleed laba qodob
In uu ku yaal marin aad u mudan,
In uu bad iyo baribada adunka kula xidhiidhi karo
Wadankeena somaliland waa leeyahay, labadaas qodob, kan koowaad, waxa aan ku naalaa kan ugu mudan marin biyoodyada adunka, oo ah Irida laga galo bada cas, oo ay maraan sanadkii in ka badan 1,000,000 oo markab.
Tan labaad waxa aan aduunka kula xidhiidhi karnaa, dhul ahaan, oo waxa aan ood-wadaag, isku fiican nahay wadan ay ku nool yihiin 90,000,000, oo qof oo aan haysan bad, waxan ka sii mudan inaga oo bad leh dhererkeedu yahay 850km, waana awood aan dheernay, hadii aan ka faaiidaysano, waxa an quudin karnaa, kala badh dadka ku nool geeska afrika.
Aduunka waxa maanta la isgu faanaa, aniga ayaa kaa tiro badan, hadaba si aan tiradeena u 10 laabno 50 ka sano ee soo-socda waa in aan samaynaa, qodobadan.
In kor u qaadno heerka nololed ee dhalinta, taas waxa ka dhalanaaya in wiilki guursado isaga oo dhalin yaro ah.
In aan guurka fudeydino, oo aan wiilasha iyo gabdhaha aan ku garb-galno
In aan kobcino korna u qaadno heerka nololeed ee lamaanaha is-qaba
In aan kaalmo dhaqaale dawladu u qoondayso hooyadii ilo dhashaba, si aan u dhiiri galino dhalmada, sida ka jirta wadamada reer galbeedka
In ay dawladu dhexda u xidhato, higsina ka yeelato in 2050ka tirada dadkeenu, hadii ay ugu yartahay 3 jibaaranto.
Qodobadaasi waa qaar aan gaadhi karno, waxana isku xidhan tirada dadka iyo kobociisa dhaqaale, wadanba wadanka uu ka tiro badan yahay waa ka wax-soo-saar badan yahay, xoog shaqaale oo u shaqeeyan ma soo dhoofsanaayo, ee xooga shaqaale uu leeyahay baa ku filan ama ka badan.
hantida ku duugan dhulkiisa
qarankeena somaliland waxa uu lee yahay hanti, taas oo ku duugan dhuliisa, oo sida muuqata ay ugu weyn yihiin,
Beero
ugu yaraan hadii aan dhulkeena sida ugu haboon aan u beerano, oo aan adeegsano aqoonta horu-martay, waxa lag soo saari karaa dhulkeena, cunto ku filan ugu yaraan 100,000,000, taas oo ay ka dhalanayso in aan baahidii aan inagu u baahnayn cunto aan daboolno, wixii intaas ka badana aan dibada u dhoofino, lacag adagina inag soo gasho
Dekedaha
Dhulkeenu waxa uu leeyahay 850km, oo bad ah taas oo aan si dhaba hadii aan uga faaiidaysano, aan marin hal-bawle ah aan u noqon karo kala badh dadka ku nool geeska afrika oo ay ugu weyn tahay Itoobiya, oo aan bad lahayn
Xoolaha Nool
Waan ka wada war-qabnaa, in wadankeenu yahay kan ugu xoolaha badan geeska afrika, mana jiro wadan dhiifin kara, inta aan inagu dhoofino, inag oo sanad kasta dhoofina xoolo dhan 5,000,000, oo neef oo isgu jira a Adhi, Lo’, iyo Geel, ku darso oo waxa aan dhoofinaa waa xoolo nool, ee waxa haboon in aan ku darno, in aan hilibna aan u dhoofino, iyo in aan wxiii ka soo hadha hilibka aan ka samayno, kabo iyo wixii la mida.
Intaasi waa hantida la taaban karo ee qarankeena Somaliland leeyahay, waxase jira hanti kale oo hadii aan hanti kale aan galino inoo soo saaraysa hantidii aan galinay mid ka badan waxan ka mida
Dalxiiska,
Wax-barashada
Caafimaadka
Wadooyinka
Macdanta ( Shidaalka, Sibidhka, iyo Biraha kale ee ku duugan dhulkeena)
Kaluunka
Qurba joogta ( oo soo dira lacag dhan sanadkii 10,000,000 )
Intaasi baa ugu mudan hantida, hadii hanti kale la galiyo inoo dhalaysa midii la galiyay mid ka badan.
Heerka Dhaqaale
Bulsho kasta waxa koboceeda laga hilaadiyaa, heer-keeda dhaqaale, kaas oo hal-beeg u halka ay taagan tahay bulshadaasi hayn ahaan, hadaba bulshadeenu waxa ay tahay bulsho ilahay xoolo badan siiyay waxan taas marag u ah 20 sano ka hor waxa uu dhulkeenu ahaa 100% mid burbursan oo ishu ka boodayso, maanta ishaa macalin ah oo waxa ay tahay caasimada wadankeenu ee hargeisa mid ka mida caasimadaha u fidida badan geeska afrika taas oo qiyaas dhaba u ah heerka nololeed ee dadkeena oo aad u kobcaaya, kuna dar bulshadeena oo ah bulshada ugu firfircoon qarada afrika, oo ay si dhaba uga gontahay in ay wadankooda garbaha qabtaan.
Waxan taas ka sii mudan in wax soo saarka guud ee wadankeena (GDB) uu yahay 4,000,000,000,$ taas oo oo ka dhigaysa in marka loo qaybiyo tirada guud ee dadkeena, oo ah 3,500,000, ay qofkii ku soo hagaagayso 1142$ , hadaba marka la barbardhigo 20 sano ka hor, waxa kuu muuqanaysa in aan orod dheer ku jirno kaas oo ah mid dhaqaale.
Waxan inala gudboon in aan intaas sii 100 laabno, si aan u yeelano awood dhaqaale, oo aan miiska ku soo fadhiisano, maankiina ku haya qaranba qaranka uu ka dhaqaale badna yahay buu ka awood badan yahay.
Daganaanshe Siyaasadeed
Qodobkan oo aan si balaadhan ugu guulaysanay oo ah ka kaliya ee qarankeena nin neceb iyo nin jeceliba ku majiirto, oo ah xasilooni siyaasadeed, oo si fudud qolaba qolada kale ugu dhiibto talada qaranka, oo ku yar Qaarada Afrika iyo Dunida Muslimka ahba, taaso oo keen tay, in koboca dhaqaale ee ka jira dhulkeeno uu ku kaco orodkaas dheer.
Waxa taas ka dhasha in qarankeenu noqo mid lagu aamini karo, in maal-gashi lagu sameeyo, iyo dadka ku nool oo lacagtooda ku sameeya maal-galin, taas oo iyaduna ka qayb qaadata koboca dhaqaale.
Fiiro Gaara
Waana halka uu ka yimi in loo bixiyo ( Kuliyada Dhaqaalaha Iyo Siyaasada) oo ah waax ka mida jamacada, oo marag ka ah koboca dhaqale ee qaran waxa uu ku xidhan yahay xasiloonida siyaasadeed ee ka jirta qarankaas
Awooda Ciidan
Marka ay dhagaheena uu ku soo dhacao, qarankaasi waa qaran awood leh, waxa ugu horaysa ee maankeenu la soo boodayaa waa cududa ciidan ee qarankaasi leeyhay, mana aha, waxa lala yaabo, ee waa dhab, oo iigama baahna taasi in aan qalinka aan ku xejiyo, si aan hoosta uga xariiqo mudnaata ay leedahay.
Si taas aan u gaadhno waa in aan cududa ciidan ee aan leenahay aan 1000 laabnaa, inaga oo ka duulayna qodobadan,
Tayada oo ay ku ladhan tahay tiradu
Qalabka oo ay ku ladhan tahay in aan inagu samaysanay
Aqoonta oo ay ku ladhan tahay mid aan leenahay
Awood ciidan oo isku dheeli tiran oo ka dhisan
# – ciidanka dhulka
# – ciidanka cirka
# – ciidanka bada
# – ciidanka sirdoonka
Intaasi oo isku duuban baan ku yeelan karnaa awood ciidan oo qarankeenu ku lado, cadawguna kaga haybaysto qarankeena.
Fiiro Gaara
Awooda ciidan ee qarankeenu waa mid ay u dhan yihiin dhamaan bulshadeena oo dhami, oo leh qaran-jacayl dhaba, una heelan ilaalinta bulshadooda, ee aan u heelanayn ilaalinta madaxda, sida ka muuqata wadamada afrika iyo carabta, oo halku-dhigoodu yahay waxa la noo unkay ilaalinta kursiga, cidii kursiga ku qabsata kan ku fadhiya ka badbaadi maayo hubkayga, oo ku badalay kursiga iyo kan ku fadhiya qarankii iyo dadkii ay u dhaarteen.
Inshalaah intaas hadii aan sideeda ugu soo baxno, waxa aan si dhaba oo dhaw aan u arkaybaa Somaliland oo maanta aqoonsi dawarsanaysaa in ay noqoto wadan aan laga daba hadlin, inshalaah, waa hadii aan raga nahay oo aan ku dhaqmayno murtidii aan dhaxalka u lahayn, ee o dhanaysay ,
Wixii rag u kacao
Rabina aqbalo
In uu raago mooye
Uu ru’moobaa
Inshalaah inshalaah inshalaah
Eebe adigan talo kuu dhiibanay ee tubtaas nagu aadi, hadii aan bulshada Somaliland nahayna hawsha in aan u wada kacno nagu midee,
Aamin aamin aamin inshalaah
Qalinkii Garyaqaan Cabdale Dahir Adan
Bartay Aqoontaka Xeerarka
17/09/2013
© Xogta qormadan waxaa ay u dhawrsan tahay oo iska leh Cabdale Dahir
