Uncategorized

Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka oo baaq u diray Jaaliyada ku dhaqan dalkaasi inay u codeeyaan XISBIGA SPD

Berlin 22.Sep 2013 (SDN)- Iyadoo maanta loo dareeray Goobaha Codbixinta ee doorashada dalka Jarmalka ayaa Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi ku nooli waxay door Muhiim ah ka qaateen ka qayb qaadashada doorashadaas iyagoo dhinaca kalena Murashixiinta ku loolamaya u Gudbiyay Qoraalo ka waramaya Qadiyada Qaranimada Somaliland.

Germany 1 Qoraal kooban oo uu Shabakada Qurbejoog.com soo Gaadhsiiyay Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka Maxamed Xuseen Dhacsi ayaa sheegay inay Kulamo Gooni gooni ah la yeesheen Hogaanka Sare ee Xisbiga SPD kaas oo ay sharaxaad ka siiyeen Madax banaanida Somaliland,Hanaanka Dimuquraadiyadeed iyo Doorashooyinka Xorta ah ee Ka Hirgalay, iyo Horumarka kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsatay iyadoo aan aqoonsi ka haysan dunnida Dimuquraadiga ah .

Germany 2Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Dalka Jarmalku waxa uu ugu baaqay Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi ku dhaqani inay u codeeyaan Xisbiga SPD Kaas oo ay Madaxdiisu u balanqaadeen in hadii ay doorashada ku Guulaystaan ay Qadiyada Somaliland hor gayn doonaan Baarlamanka Jarmarka isla markaana ay Xidhiidh Toos ah la yeelan doonaan Xukuumada Somaliland.

Doorashadan ayaa ah tii ugu adkayd ee soo marta Wadanka Jarmalka iyadoo aan la Saadaalin Karin Cida ku soo bixi doonta hanashada hogaaminta Waddankaas.

Berlin SDN.

Qurbejoog.com