Muqdisho 22.Sep 2013 (SDN)- Koox aan la garanayn ayaa maqribnimadii caawa xaafadda Buula-xuubey ee magaalada Muqdisho ku dishay Allaha u naxariistee Xuseen Cabdisalaan oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo dhaawac ahaan loo geeyay .
Kooxda dilka geysatay ayaa kabxsatay goobta, ciidanka dowladda ayaa wada baaritaan lagu baadi goobayo gacan ku dhiiglayaasha dilay marxuumka,Lama oga cidda dishay iyo sababta loo dilay Marxuumka.
Hal qof ayaa shalay ku dhintay bam gacmeed lagu tuuray gaari uu saarnaa ganacsade u dhashay dalka Yemen oo marayay suuqa Bakaaraha ee magaaladaMuqdisho.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
