Uncategorized

10- Qodob Oo Bud-dhig u ah Kala Fogaanshaha Xukuumadda iyo Mucaaradka

Hargeysa:5-Oct-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland iyo Mucaaradkeeda ayaa maalinba maalinta Ka Dambaysa sii kala Fogaanaya, waxana jira sababo  khilaafkaasi salka ku hayo oo u Aabe ah.

faysla iyo siiiiiilaaaaKhilaafkan iyo  shakigan kala irdheeyey Xukuumadda iyo mucaaradkeeda ayaa inta badan ka yimaadda is qancin dhinaca xukuumadda ah iyo  carigsi dhanka Mucaaradka ka yimaadda, iyadoo daaweynta khilaafkaasina sida muuqata kaliya ay u baahan tahay in dhinnaanshaha iyo dheeraadkaba la isku qiro.

Haddaba waxanu Halkna maanta idiinku soo bandhigaynaa T  obanka Qodobka ee khilaafkani salka ku hayo, maadaama ayaamihii ugu dambeeyey  xukuumadda Somaliland iyo mucaaradkeedu u muuqdaan qaar sii kala irdhoobaya oo kala tegay.

Tobanka qodob ayaa marka la soo koobo u dhigmi kara sidatan.

1-mucaaridka oo aan qirin guulaha siyasadeed ama wax qabed ee ay Doowladu gadho haba yaradene
2–Dowlada oo isku aragta iney marwalba saxsantey waxbana ka dhageysan cida dhaliisha
3-Masuuliyiinta ugu saraysa maxaafid iyo mucaaridka oo aan hoos waxba iskugu sheegin si laab xadhashana u kulmiin
4-sharciga wadanka u yaal ama dastuurka oo midba siduu jecelyeey u fasilo qodobka xidhayana beeniya
5-Dowladda oo marar badan si hoose qandarasyada u bixisa barlamaankana aan horkeeniin dad gaar ahna siisa
6-Dowladda oo aan lahayn dulqaad badan taana waxa u sababa iyaduun baa wax dhaliili jirtey oo  wax dhaliilaba may arag
7-mucaaridka oo Meesha ay danuhu ugu jiraan dowlada ku tageera markuu iska waayana ku dhaliila
8-hab qabiileed wali ku dhex jira habka dowlad nimo iyo waliba ka mucaaridka
9 -masuuliyiin doowlada ka tirsan oon is lahayn shacabka iyo mucaaridka idin la leh wax, kaligoodna isku haysta iney wax kasta iyagu keneen  oo iska leeyihiin.
10-ninkii shalay kursiga ku fadhiyey oo bari marka laga qaadana wax aanu awel sheegi jirin sheegaya

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com