Hargeysa9.Oct.2013- (SDN) xildhibaannada wakiillada ayaa maanta dooddoodii miisaaniyadda qaranka ka dhiibtay Dood adag oo ay ku dhaliilayaan nidaamka uu wasiirka wasaaradda Maaliyadu u soo jaangooyey Miisaaniyadda sanadka soo socda.
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ahaa xildhibaannadii maanta dooddooda ka dhiibtay Golaha, ayaa sheegay inaanay miisaaniyaddani ahayn mid jaangooyadeeda si fiican loo dejiyey, waxana uu xusay inay haboontahay in wasiirka mar kale loo yeedho si wax looga weydiiyo qaabka ay miisaaniyaddani u dhisan tahay.
Xildhibaan Ibraahim Rayte oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inaanu xildhibaan ahaan ku qanacsanayn hannaanka miisaaniyaddani u taallo, waxana uu si cad ugu sheegay inay codsanayaan in wasiirka laga codsado inuu jawaabo ka bixiyo madmadow ku jira miisaaniyaddan.
Doodda xildhibaannada Golaha wakiilladu ka leeyihiin Miisaaniyaddan, ayaa laga yaabaa inay maalmaha soo socda soo gebo gebawdo, waxana lagu wadaa in ayaamaha sabtida ama axadda anaxinteeda loo gacan qaado.
S.D.N
