Uncategorized

Xarunta Golaha Deegaanka Lascanod Oo Ciidan La Wareegay Iyo Dhaawac Soo Gaadhay Qaar Ka mid ah Xildhibaannada

 

Lascanod: 9.Oct.2013- (SDN)   Ciidanka Booliska Magaalada Laascaanood, ayaa saaka xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Laascaanood ka Dareeriyey Xildhibaanno Doonayey Inay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Maayarka Magaalada Lascanod.

dddddCiidanka Booliska ayaa la sheegayaa inay rasaas u adeegsadeen kala dareerinta Xildhibaannada ku sugnaa xarunta Golaha Deegaanka ee Magaalada Lascanod, waxana ay meesha xoog kaga dareeriyeen Xildhibaanno u ballan sanaa inay maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Maayarka lascanod.

 

Xildhibaanada Golaha Deegaanka qaar ka mid ah ayaa u sheegay  warbaahinta inuu og hayay  laba xildhibaan oo ciidanka Boolisku dhaawac ugu geysteen qoryaha dabadooda oo ay u adeegsadeen, waxana la sheegayaa inay ciidanka Boolisku la wareegeen xarunta Dawladda Hoose, islamarkaana sheegeen inaanay Ogolayn in wax shir ah lagu qabto xaruntaas inta ay jirto mooshinka lagaga soo horjeedo Mayarka Magaaladu.

 

Golaha Deegaanka ee laascaanood, ayaa caanku ah is qabqabsi iyo muran isdaba joog ah, waxana  ilaa intii la doortay maayarka deegaankaas ka socday Dagaal lagala soo horjeedo maayarka xukuumaddu taageersan tahay, waxana haatan xukuumaddu ka badheedhay inay gacanteeda ku difaacday maayarkan oo ay dano gaar ah ku qabto.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com