Hargaysa 09,October 2013 (SDN)- Aqoonyahno , oday dhaqameedyo iyo
waxgarad ka tirsan bulshada Somaliland ayaa maanta waxay si weyn u
taageereen guulaha wax qabad ee xukuumadu gaadhay mudadii sedexda
sano ahayd ee ay xilka haysay.
Waxaanay hadaladaasi ku sheegeen shir jaraa id oo ay maanta ku qabteen
huteelka xaraf ee magaalada hargaysa, xubanha shirka jaraa id qabtay
ayaa halkaasi dhaliil uga soo jeediyay xibiyada mucaaridka oo ay tku
tilmaameen kuwo iska indho tira waxqabadyada la taaban karo ee
xukuumadu ay bulshada u qabto isla markaana hadalo aan munaasib
ahayn had iyo jeer bulshada u sheega.
Ugu Horayn Ibraahin Cismaan Aadan Golis oo Goobtaasi ka hadlay ayaa
Iftiimiyay Sababaha ay ku Taageereen Xukuumada isagoo Yidhi
“Madaxweynaha maanta talada dalka haya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo, waxaan yaqiinsaday in xukuumaddiisu ay tahay dawlad Islaam
ah, madaxweynayaashii ka horeeyay may dalka kamay furin Idaacad Quraan
ah oo saacad walba aad dhagaysanayso, mar haddii aynu maanta aynu
dhagaysanayno Ayaadahii Quraanka saacad kastaba, waxa uu qiray
Islaamnimadii.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa madaxweynihii ugu horeeyay ee xalaal
ahaan maanta dhulka isu fura. Haddaba madaxweynihii wax wanaajinaya
iyo kii wax xumaynayaba haddii aynu luqunta iskaga duubno waxba
dhaqaajin kari maayo. Ruqo ninkii lahaa dabada hayaa ma kacdo.
Ibraahin Cismaan waxa uu intaas ku daray “Ninka doonaya kursiga ee
raba in uu ka dhaxlo oo uga dambeeyo madaxweynaha, ee haddana
caytamaya ee yooyootamaya ee cayda u khamradoonaya cayda, sidee ayuu
madxnimo ku helayaa.
Haddii aanu nahay shicibka, nin walba waxaanu u haynaa diwaan uu
leeyahay, waanu u soo saaraynaa hadhaw, ama ha u samaado ama ha u
xumaado diiwaankaa hadhaw waanu u soo saaraynaa, nin walba
siyaasadiisa iyo inta miisaankiisu leeyahay ayaanu soo saaraynaa.
Mucaaridku wax buu toosiyaa, dawladdu halka ay ka ciirsan tahay ayuu
ka toosiyaa, laakiin kuma tunto oo been kama sheego, mana burburiyo,
waa burbur sidan aad wadaan baan leeyahay, waa in beenta iyo dacaayada
laga daayaa xukuumadda.
Mucaaridka waxaan leeyahay waxa aad Telefiishanada habeen walba aad ka
shubaysaan anaga oo shicib ah ayay calooshu naga wareegaysaa mana
ogolin, una dulqaadan mayno cayda aad dawladda caayasaan maalin
kasta.”
Sidoo kale Prof. Faarax Cali Shire oo ay Walaalo yihiin Madaxweyne ku
xigeenka Punt land C.samad Cali Shire ayaa Sheegay inuu hubo in
Somaliland ay aqoonsi heli doonto mudada ay doonto ha qaadatee isla
markaana ay beeshiisu dani ugu jirto inay wax la qaybsadaan Ummada
Somaliland waxaanu yidhi “Maalin walba waxaa jaraa’idka ku soo baxaya
nin qamuunyoonaya.
Raga qamuunyoonayow wiilashaadii yar yaraa maxay
samaynayaan. Anigu waxaan qabaa marka uu odaygii qamuunyoodo oo
yidhaahdo dalkiibaa la dhacay, musuq maasuq baa jira, wiil kii yaraana
waxa uu samaysanayaa midi iyo faash, habeenkii buu odhanayaa dunidii
lagu kala tagye maxaad samaysaa, mididiisi yarayd ayuu ku weerarayaa
hablaha iyo dadka dariiqa maraya, Mobilada iyo wixii ay sitaan ayuu ka
qaadayaa. Telefoonadaa uu qaaday ogaada waxaa ka masuul ah ninkaa
qamunyaysanayee, sababta oo ah isaga ayaa dhalinyarada kicinaya, waxa
qofka wayni sameeyo ayaa dhalinyaraduna samaynaysaa.
Ninka reerka ugu wayni haddii uu wax xun sameeyo dadka inta kalena way
samaynayaan, haddii uu wax wanaagsan sameeyana dadka inta kale wax
wanaagsan ayay samaynayaan. Waxaan leeyahay walaalayaal qamuunyada
joojiya oo aynu dalka wada dhaqano.
Prof. Faarax Cali Shire waxa uu ku dooday in Walaalkii Cabdi samad
Cali Shire inaanu wadin danta beesha Dhulbahante isla markaana waxa uu
u ordayaa ay tahay sidii uu Mansabka Madaxweyne ku xigeen u sii
Xejisan lahaa “Run baan idiin sheegayaa walaalkay wax uu beesha dhul
bahante u hayo ma jirto ee waa nin Mansabka uu Punt land ka hayo
xejisanaya”
Dhinaca kale Caaqil Kayse Dacar Faarax,oo ka mid ahaa Waxgaradkii
halkaasi ka hadlay ayaa Yidhi “Maanta markaad eegto gambadhada ay
mucaaridku kambalka soo dhigteen, mar mar baan is idhaahdaa waar
malaha gooni isu taagiiba waad ka noqonaysaa, laakiin ka noqon mayno
ee waanu ku adkaysanaynaa. Maanta dalkeenu wuu ladan yahay, in aynu
ladanahay waxaa nadiir u ah, habeen dhawayd waxaan maqlayay
miisaaniyad ayaa la ansixinayaa, 212 milyan oo dollar ayaa la
ansixinayaa baa la yidhi, waan yaabay oo waxaa igu soo dhacday oo maad
tidhaahdaan Yurub baanu caawinaynaa.
Dawladda saddexda sannadood xilka haysay ee miisaaniyadda 212-ka
milyan ee dollar ah ansixinaysa ee 42 milyanna ka qaaday, bal maynu
nidhaahno shanta sannadood ee aynu dooranay aynu eegno halka ay
miisaaniyadda gaadhsiiyaan.
Xukuumaddu in ay wax wanaajisay oo ay wax qabatay miisaaniyaddaas
ayaan ku ogahay, in ay wax wanaajiyeen dalkii kala xidhnaa ee ilaa
Ceerigaabo waddadaa ay balan qaadeen in ay isu furan ayaan ku ogahay,
in ay wax wanaajiyeen jidadka ay qurxiyeen iyo dhiska ay wadaan ayaan
ku ogahay. Xukuumadda nina dusha ayuu kala joogaa nina hoosta ayuu
kala joogaa, dusha ayaanu kala joognaa oo wallaahay madaxweyne Axmed
Siilaanyo nin u dhamaa in aanu qaban.
Mucaaridka waxaan leeyahay, wax kaleba aynu isku soo gaadhnee horta
cayda ha la joojiyo. Ninka manta wax caayoow waxaanu kaa qoraynaa in
aanad xil noo qabanayn. Ninka maanta wax caayayoow waxaanu kaa
qoraynaa in aanad waxqabadka ogolayn. Mucaaridka waxaan leeyahay
yooyootanka iyo cayda ha iska daayaan, haddii qofka ku agfadhiya ay
maraud ka yara dhacdo hoos baa loogu qabtaa ee laguma qayliyo oo lama
yidhaahdo hebel wuu qaawan yahay, mucaaradka waxaan leeyahay idinku
waxaad wadaan way qaawan tahay, waan qaawan tahay, waar waxba ma
qaawana ee idinka ayaa qaawina ayaanu idin leenahay.”
Geesta kale Beeldaaje Diiriye Jaamac Yuusuf ayaa sheegay in Madaxda
hogaanka u haysa dawladnimadda Somaliland ay shacabka ku hagayaan
dariiqii saxda ahaa waxaana uu Yidhi “Madaxda talada iyo xilka inoo
haysaa, way inoo shaqaynayaan, waanay ku mahad sanyihiin, shaqadaa
ay inoo hayaana waa in lagu garab joogsadaa oo aan laga hor iman ee
wixii lala qaban karo ha lala qabto, oo ha lagu garab istaago wanaaga
iyo waxqabadka.
Ragga kale ee mucaaridka ah ee aqoonyahanka leh iyagana waxaan
leeyahay, walaalayaal haddii aynu caytano oo aynu yooyatano oo aynu
xumaan xamayno, ma inaga ayaa isu imanayna, ma ictiraaf ayaynu
helaynaa, ma dawlad ayaa inoo hagaagaysa. Ma waxaad doonaysaan in aynu
wixii xumaa dib ugu noqono, ma in dagaal dambe dhaco ayaad doonaysaan.
Waxaynu doonaynaa in aynu hore u marnaa, wanaaga ayaynu ku helaynaa
waxa aynu doonayno, wanaag baa dani ku dhashaa, colaadna inan baa ku
dhinta ee inan kuma dhasho, ILLAAHAYNA colaad ha inaga hayo.”
Gabo gabadii Axmed Maxamed Cabdullu Walanwal oo ka mid ahaa
Shakhsiyaadkii Madashaa dareenkooda ka cabiray waxaanu is dul taagay
in Ummada laga daayo Cayda iyo aflagaadada la isu mariyo Warbaahinta
“Dadka qurbajooga ah ee reer Somaliland ee caruurtooda soo kaxayn
lahaa ee dalka iman lahaa marka ay daawadaan cayda iyo dacaayadaha
mucaaridka caloosha ayaa wareegaysa, dadkii guryaha dhisan lahaa ee
dhulka iibsan lahaa iyo shisheeyihii dhulka maal gashan lahaa marka ay
warbaahinta ka daawadaan waxaas ayay dib isaga noqonayaan, calool xumo
ka waynina ma jirto.
Anigu waxaan la hadlayaa ninka mucaaridka ah ee wax duminaya, anigu
sheegi maayo ninka mucaaridka ah ee wax dhisaya ee wax toosinaya,
laakiin waxaan la hadlayaa mucaaridka wax duminaya, ee habeen iyo
maalin qamuunyoonaya ee muraayadaha warbaahinta taagan ee aan
seexanayn ee aan nasanayn ee dalkaa duminaya, waa kaa ka aan la
hadlayaa.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa mucaaridkaa aan la hadlayo habdhaqan
kooda waxaad moodaa, oday waalan jiray jiilaalka ayay maalintii dambe
ku kacday, 14 reer oo meel wada ayaala ayuu dabka sudhay, caruurtii,
islaamihii iyo xoolihiiba dab ayuu sudhay, dadkii tuulada ka soo
gurmaday ayaa soo gaadhay meeshii, waxay u yimaadeen ninkii oo
galgalanaya oo ku tawaawacaya ciidan xumaa I heshay waxaan waayay
ciidan dabka igula gura ee miyaa cidi ka bixi lahayd. Markaa waxaan u
malaynayaa raga qaarkii ciidan la’aan uun baa haysee meeshaniba may
raaq raaqdeen.” Ayuu yidhi Axmed Maxamed Cabdule Walan wal.
Hargaysa SDN,
Qurbejoog,com
