Salaxley 09Oct13(SDN) wariyaasha ka hawl gala qurbejoog .com ayaa waxay booqasho ku tageen Degmada Salaxlley ee Gobolka Garoodi taas oo warbaxinta aad ku arkaysaan hawsha sida wacan ee u socoto taas oo Hooyadda Fooshu Qabato hore loogula Carari jirey Hargeisa, waxaaney Qaadanjirtey saacado badan, inay hooyadani hesho adeeg caafimaad, Umul aroorka iyo dhiig-baxa ayaa ahaa waxay la qabeen Bulshadda ku dhaqan Deegaanka Gaaroodi, Arintan ayaa waxaa ka dhiidhiyey oo ka gil-gishey Hablaha Deegaankaa meel walba oo ay dunida ka joogaan, waxayna isku biiriyeen maal iyo maskax intii eebe siiyay, iyagga oo qaar badani dahabkoodii u iibiyeen sidii loo bad-baadin lahaa Hooyadda uurka leh iyo ilmaheeda, Nasiib wanaag Maanta waxay Dhisteen Dhakhtar weyn oo shaqaynaya. waxayna maanta nasiib u yeeshay in wiilkii u horeyey uu ku dhashay dhaqtarkan isaga oo la filayo in dhaqtarkan ay ka faidaysan donaan caruur badan iyo hooyoyin badan .
qurbejoog. salaxlley



