Uncategorized

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya oo Kulan ku Yeeshay Addis Ababa iyo Waxyaabaha ay ka wada hadleen

Addis Ababa 13.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa kulan gaar ah xalay magaalada Addis Ababa kula yeeshay raysul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo  arrimaha amniga, gaar ahaan ciidamada Itoobiya ka jooga Soomaaliya.

Xasan-Sheekh-iyo-Hailemariam-300x204Madaxweyne Xasan  iyo raysul wasaare Haylamariam ayaa sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha urur goboleedka IGAD oo ay xubno ka wada yihiin labada dal iyo sidii waddamada gobolku ay isaga kaashan lahaayeen la dagaallanka kooxaha Islaamiyiinta ee Al-Shabaab iyo Al-Qaeda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad-celiyay raysul wasaare Hailamariam dadaalkiisa ku aaddan  soo celinta nabadda iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ka mahad-celiyay sidii diirranayd ee isaga iyo wafdiga uu horkacayo loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa.

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com