Hargeysa Oct22,2013(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mujj Cali Gurey ayaa canshuur ururinta Xukuumada Somaliland ay ka bilowday dalka ka bilowday bar bar dhigay Baad.
Sidoo kale Gudoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay in lacagahan dadka haatan laga ururinayo ay dhici kareyso in ay tahay mid la doonayo in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu dib talada dalka isugu soo sharaxo.
Mujj Cali Gurey oo barta Internetka ee Facebook fikirkiisan ku shaaciyay ayaa yiri”Lacagtan cashuur maaha waxa loo bixiyay takaaliif. Waxa loo baa bixiyay haya’ddii wadooyinka. Waxay mesha ka saartay Wadadii Berbera Togwajaale ee EUdu lacagteeda haysay. Wado Ceerigaabo oo lagu dhisayaana ma jirta in se wax la taataabto waa suurtogal. Xagey ka shaqayn kartaa, Anigaa u siyaasi ah, u wasiir ah, u gudoomiye ah, u xisaabiye ah, u khabiir ah, u wax walba ah. Wax baadhis ah miyaa ilaa Hadda lagu sameyay mashaariicdii la lunsaday lacagahoodii, waa maya cid ku samayn doontaana ma jirto, ahmiyadeedu waa lacag urursi. Hadii aan cidna lala xisaabtamayn waa baad sideeda u taala. Waxa la arki iyadoo sidaa maan moodaynta la hayo oo la wada yaaban yahay. Waxay u badan tahay in lacag tii kaambaynka ururinteedii na ay ku jirto”.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com
