Uncategorized

Ururka Suxufiyiinta Somalia oo Dhaleeceeyay Falkii lagu Dhaawacay Weriyaha Universal ee Muqdisho

Muqdisho 22.October 2013 (SDN)- Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliya (NUSOJ) ayaa cambaareeyay weerar maanta lagu qaaday weriye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde, xilli uu ku soo jeeday xafiiska TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Maxamed-Ibraahim-Bakistaan-300x300Ragga hubeysan ayaa weriyaha rasaas ku furay, iyadoo rasaastu ay kaga dhacday xabbadka iyo qoorta, kaasoo hadda lagu daaweynayo Isbitaalka Madiina,dhaawaca weriyaha ayaa la sheegay in uu yahay mid halis ah.

Xog-hayaha guud ee NUSOJ Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in  ragga weerka ku qaadday weriyaha ay damacsanayeen in ay dilaan, balse uu ka badbaaday.

Maxamed Ibraahim ayaa ka dalbaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay gacanta ku soo dhigto ragga weerkan ka dambeeyay, islamarkaana ay hubiso nabad-gelyada weriyayaasha Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in ay sii socoto dhibaateynta weriyayaasha Soomaaliyeed.

Weriyaha la dhaawacay ayaa tirsan hawl-wadeenna TV-ga Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com