Hargaysa 22.October 2013 (SDN)-Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee JSL Md Xuseen Axmed Cabdallah ayaa maanta ka xog warramay xaaladda guud ee biyaha Dalka iyo mashaariicda Horumarineed ee biyaha caasimadda hargaysa oo ah magaalo ay ku nool yihiin ugu yaraan Hal Milyan iyo Shan Boqol oo kun oo ruux.
Wasiirka wasaaradda Biyuhu waxa uu sheegay in markii Madaxweynaha Somaliland arkay baahida dhinaca biyaha ee dalka ka jirta uu magacaabay Wasaarad si gaar ah u qaabilsan Biyaha dalka, mashaariicda horumarineed ee dalka ka socdana ay biyuhu kaalinta koobaad kaga jiraan.
Md Xuseen Axmed Cabdallah waxa uu tilmaamay in baahida biyood ee caasimaddu ay yihiin arin taagan taasoo ay sababtay ceelasha ay magaalada hargaysa ka cabto xiligan oo ah ceelal la qoday muddo 40 sano ah ka hor. Halka sidoo kalena uu wasiirku sheegay in baahida biyaha ee caasimadda laga talaabsan doono xiliyada soo socda lana hawlgelin doono hirgelinta 11 ceel oo ay dawladda Imaaraatka carabtu ugu deeqday Somaliland, iyadoo ay wakaaladda biyuhu u xilsaaran tahay inay daboosho baahida biyood ee caasimadda Somaliland.
Wasiirka wasaaradda biyaha ee JSL waxa uu ugu bishaareeyey guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaan bulshada Gobolka sool in Dekedda Berbera uu yaallo Riig cusub oo qodista ceelasha biyaha ah oo ay dhalinyaro reer Somaliland ah oo gobolka sool ka soo jeedaa ka soo iibiyeen dalka dibadiisa, xiligana gacanta lagu hayo sidii cashuur dhaaf loogaga soo gudbin lahaa dekedda si uu ugaga hawlgalo guud ahaan Somaliland.
Mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Engineer Siciid ducaale oo ah agaasimaha waaxda Qorsheynta ee wasaaradda Biyaha iyo Engineer Abdirahman Cabdisalaan oo ah Agaasimaha waaxda Wakaaladaha ee wasaaradaasi ayaa iyaguna hadalo ay halkaa ka jeediyeen waxa ay ku sheegeen in ay si wanaagsan u socdaan qorshayaashii wasaaradda ee ku aadanaa horumarinta biyaha ee dalka.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
