Hargaysa 22.October 2013 (SDN)- Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee Ucid ayaa si adag u canbaareeyay Weerar hubaysan oo habeenkii xalay lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Farax Qabile oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland.
Xisbiga Ucid ayaa Tilmaamay in falkan uu Gaystay Sarkaal darajoo sare ka haya Ciidanka Booliska ee Somaliland,Waxaana sidaa lagu Sheegay War saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse C.laahi kaas oo u dhignaa Sidan:-
“Waxaanu aad iyo aad U Canbaareynaynaa Falkii Foosha Xumaa Ee Xaley Lagula Kacay Xidhiban Maxamed Farax Qabile
Kaas Oo ahaa Xaley Abaaro 7:05 Pm in Xaafada Jig Jiga Yar Laysku Dayo in Lagu Khaarajiyo Dil Qorsheysan,Falkaas Oo uu Geystey Nin ka Mid ah Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sita Darajada Kabtanka uu ugu Yaraan Sadex Xabadood Oo RASAAS ah Ku Ridey Balse ilaahey Ka Nabad Galiyey
Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa uu Cod dheer iyo Cod gaabanba Ku Canbaareynayaa Dhacdadaa Foosha Xun Ee Ugubka ah Isla Markaana Arxan Darada ah Ee Ceebta Ku ah Qaranka Somaliland (in La Bar tilmaameedsado Madaxda Qaranka Somalliland )
Ugu Danbeyntii Waxaa uu Xisbiga Ucid Ugu Baaqayaa Xukuumada Talada Haysa iyo Haayadaha Amniga Qaabilsanba in Si Deg Deg Ah Loo Soo Qabto Ninkii Falkaa Geystey iyo Cidii Ka Danbeysayba,Si aaney U noqon Wado Furan Oo Madaxda Qaranka Lagu Bartilmaameedsanayo .
Waa Markii labaad ee Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile uu ka badbaado fal dil ah inkastoo aan wax talaabo ah laga qaadin kan kii ka horeeyay
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
