Addis Ababa 22.October 2013 (SDN)- Wasiir Arimaha Debeda iyo Iskaashiga caalamiga ee Jamhuuriyada somaliland Mudane Mohamed Bihi Yonis, ayaa kulan gaara kula yeeshay xafiiskiisa Raysal wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha debeda Ethiopia H; E Tedros Adhonom.
kulankan oo qaatay saacad iyo badh waxay labada masuul iskula falanqeeyeen xidhiidhka soo jireenka ah ee walaaltimo ee ka dhexeeya labda wadan Somaliland iyo Ethiopia , waxayna si gaara labadan masuul si gaara diirada ugu saareen arimaha nabad gelyada, siyaasada ,dhaqaalaha iyo mashaakilaadka ka jira mandaqada iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa.
kulan kan oo ahaa kii labaad mudo labo bilood ka yar waxaa labada masuul midba gaarkiisa u balan qaaday in xidhiidhka walaaltimo iyo iskaashi ee labada wadan Ethiopia iyo somaliland la sii xoojiyo lana dardar geliyo.
Addis Ababa SDN.
Qurbejoog.com
