Uncategorized

Guddida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Oo Shir Xaraaraddiisu Sarraysaa Uga Socdo Aqalka Madaxweyne-ku-xigeenka.

Hargeysa:22-Oct-2013(SDN)-Shir albaabada la isku xidhay, ayaa haatan Guddida Fulinta ee xisbiga Kulmiye Uga Socda Aqalka Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil(saylici), waxana la soo sheegayaan in xaraaradda shirkaasi aad u kacsan tahay.

kkShirkan ayaa u jeeddadiisu tahay sidii loo ansaxin lahaa Guddida qabanqaabada ee dhawaan Guddoomiye Muuse u magacaabay shirweynaha xisbiga oo dhamaadka sannadkan lagu wado inuu qabsoomo.

Shirkan ayaa sida ay sheegayaan wararka ka soo baxayaan ay ka taagan yihiin aragtiyo kala duwani, waxana diidmo aan sidaas u badnayni ka imanaysaa qaar ka mid ah xubnaha Guddida fulinta ee xisbiga oo ay wasiirro ku jiraan, waxana, Saacadaha innagu soo foolka leh, ayaa la filayaa in Guddidu ansaxiso Guddidan uu Guddoomiye Muuse magacaabay, waxana  ansaxintaas ka dib la sugayaa in saxaafaddu hesho war sugan oo Guddida qabanqaabada ah.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com