Uncategorized

Wadado Sucuudi ah oo ka hor yimi Sharci Haweenka dalkaas u ogolaanaya in ay Gawaarida kexeeyaan

Riyadh  Oct 23,2013(SDN)-Qaar ka mida culimada dalka Sucuudiga ayaa sheegay in sharciga dumarka u fasaxaya ee dalkaasi in ay gawaarida wadaan laga bilaabo bishan.

Wadaada ayaa cabasho la hortagay qasriga dalkaasi looga arimiyo cabashadooda iyaga oo Mareykankana ku eedeeyay in uu arinka isaga ka danbeeya.

Halka qaar kale oo ka mid ah Culimadana ay dhawaan mudahaaraad la hor tegeen qasriga boqortooyada ee Jiddah.

Koox u ololeyneysa in dumarka Sucuudigu kexeeysataan gawaaridooda ayaa ku guuleystay in ay soo ururiyaan rayiga iyo sexeexa 16,000 oo sexeex.

Boqorka Sucuudiga Cabdalla ayaan is hortaagin ololaha lana aaminsan yahay in uu doo nayo isbedel balse cabashada 150 ka mida culimada dalkaasi ayaa muujinaysa caqabadaha jira.

Wadaada ayaa qaba in Mareykanku ku lug leeyahay ololaha dumarka loogu fasaxayo in ay wadaan gawaarida.

SDN-Riyadh
contact@somalidiasporanews.com