Uncategorized

Qaramada Midoobey oo Soomaalida ugu Baaqay in ay cunaan Kaluun

Doolow Oct 23,2013(SDN)-Hay’ada Qaramada Midoobey u qaabilsan Raashinka iyo beeraha ayaa Soomaalida ku macluuleysa dalka Soomaaliya ugu baaqay in ay Kaluumeysiga dhankiisa ay u beyraan si meesha looga saaro Macluusha.

Soomaaliya aya ainkasata oo ay leedahay xeebaha Africa ugu dhaadheer ayaa hadana shibku aany ka faaiideysan kheyraadkaas eebe ugu deeqay.

Qaramada Midoobey ayaa warkan u jeediyay Soomaalida ku jirta xeryaha barakacyaasha ee dalka gudihiisa ku yaal.

“Ujjeeda ugu weyn ee ololahani waa in Soomaalida qaxootiga ah lagu dhiiri geliyo in ay kaluumeystaan si baahidooda ay u haqabtiraan”.Madaxa FAO ee Soomaaliya Luca Alinovi ayaa saxaafada sidaa ugu warmay.

Khaasatan Soomaalida Gedo ku nool ayuu hadalka FAO ku socday bacdamaa ay ku nool yihiin aag ay maraan laba wabi.

Soomaaliya ayaa ka mida dalalka dunida ay dadkeedu ugu cunida yar yihiin Kaluunka iyagaoo leh ahadana bada dunida ugu dheer.

Hadalkan FAO ayaa ku soo beegmaya xili ay hay’adaha gargaarku sheegeen in Soomaaliya aaney weli sidii la rabay uga soo kabaan abaarihii dhawr sano ka hor ku dhuftay.

SDN-Doolow
contact@somalidiasporanews.com