Uncategorized

Hawlgal Maamulka Gabiley Fuliyey Oo Saamayn Ku Yeeshay Danyarta Muruqmaalka Ah

 

Gabilay:23-Oct-2013(SDN)- Olole  Maamulka Dawladda Hoose ee Degmadda Gabiley  ay ka fuliyeen magaaladda Dhexdeeda ayaa cabashooyin badan dheliyey kadib markii hawl galkaas oo ku taxalluqa  bannaynta jidadka magaalada iyo bilicda ay dhibaatooyin ka  soo gaadheen dadka danyarta ah ee ka xoogsada ganacsiga yaryar ee ay  quutal-daruurigooda kala soo baxaan.

buurtayHawl-galkan oo maalintii sabtidii ay dawladda hoose ka fulisay faras magaalaha Gabiley ayaa saamayn togan ku yeeshay dadkaas danyarta ah, sida uu saxaafadda u sheegay mid kamid ah culimada gobolka Gabiley.

Sheekh Mustafe Daa’uud Nuur ayaa sheegay in   ay  golaha deegaanku isaga oo markii horeba ay   ku dhalliilayeen   Waxqabad la’aan  uu haddana  ku tallaabsaday hawl gal togan, isaga oo ku taliyay in dadkaa danyarta ah ee laga dumiyay goobihii ay ku ganacsanayeena mag-dhaw laga siiyo.

Sheekhu isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi;  “Dad badan oo masaakiin ah ayaa ku dhibaatoobay, qaarkood waxa la ii sheegayay in meelihii ay ku ganacsanayeen inta laga dumiyay inay waxay ku dhistaana waayeen, waxay cunaana ay waayeen. Markaa marka hore kolay anigu kumaan baraarugsanay, waan kala hadli lahaa qolada deegaanka ama maamulka, waanan uga nasteexayn lahaa, se may dhicin, dhibaato badan baana mujtamaca ka soo gaadhay.”

Waxaanu intaa ku daray; “Magaalada marka horeba waxaanu xoog ugu dhalliilaynay wax qabad la’aan badan oo jirta, waxa qofka magaalada qabsada ama masuulka ka noqdana, inta badan intaanay dawladda sare isku dhicin lama daba galo, siduu doono hadduu u baabiiyo. Haddii ay iyaga isku dhacaan uun baa ladaba galaa ama dambiyo loo raadiyaa oo la xidhaa, intii maayir ee soo martay Gabilayna waa lawada ogyahay intay ahaayeen, intay  is qabsadeen oo kaliya ayaa xabsi loo taxaabay.”

Sheekh Mustafe waxa kale oo uu sheegay inay wada banayntu tahay mid loo baahan yahay inay qorshe ku socoto balse aanay dadka oo meheradahooda ku jira aan cagafta dusha lagaga dhufan, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu sheegay; “kolay wixii dariiqa dhibaataynaya ma fiicna oo dariiqu xaq buu leeyahay, Dowladda Hoosena iyada ayaa maamusha, laakiin duminta ayuun baa nooca loo sameeyay aan aad uga xumaaday, mana fiicna in  cagaf loosoo kexeeyo qofkii oo meheradiisa ku jira oo dusha lagaga dhufto, meesha gebigeediina lagu fadhiisiyo, ma fiicna.”

Waxa kale oo Sheekh Mustafe Daa’uud ka hadlay baahiyaha kala duwan ee arrimaha Bulshada ee ka jira magaalada Gebilay, “Marka magaalada dhexdeeda la eego mushkilad bay ku haysaa ummadda oo macalin  boqol Dolar ku noolaanaya ama lix boqol oo kun oo Somaliland ahi magaalada kuma noola, Xaga caafimaadka oo kale haddii la eego oo warbaahinta ayaa in badan ka soo duubtay marar hore, baahiyo ayaa jira, waxa weeyaan suuqaa lanooga yeedhaa marka dhiig loo baahdo xataa keyd dhiig oo dhakhtarku leeyahay ma jiro. Baahiyahan waxay ahayd cidda looga fadhiyay ee daboolaysay dawlada ayey ahayd, ama deegaanka ha noqdaan ama dawladeena sare ha noqdaan. Markaas mushkilada jirtaa waa taas. Dadka reer Gabilayna maaha dad ku baraarugsan waxay xaq u leeyihiin inay doontaan, halooba diido hadhow ama haba waayaane, horta dadku waxa weeyaan wuxuu xaq u leeyahay inuu raadsado ha helo ama ha waayo. Markaa kolay taas baan u arkaa dhalliilo badan oo jira iyo mushkilado xalinteedu u baahan tahay in xikmadaysan loo galo.” Ayuu yidhi Sheekh Mustafe.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com