Hargeysa:23-Oct-2013-(SDN)-Shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargeysa u qaabilsan Ururinta Ardiyadaha Guryaha ayaa haatan ku hawlan oo faro baas ku haya Al-baabada Aqallada ay lacagaha cashuurta weydiinayaan oo ay la baxayaan.
Inkastoo uu dhawaan maayar-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi sheegay inay joojiyeen Albaabada lala baxayo, haddana shaqaalaha ayaa iyagu hawshooda iska sii wata, waxana muran iyo is qabqabsi badani si maalinle ah u dhexmaraa iyaga iyo Mulkiilayaasha Aqallada Cashuuraha lagu leeyahay, taas oo ah arrin wax u dhimi karta Amniga Shaqaalaha iyo waliba ka muwaadiniinta kale ee Aqalladooda albaabada lagala baxayo.
Sida Caadada ah waxa si waadix ah Loo Arkaa Maalin Walba Shaqaalaha oo iyagu si badheedh ah u la baxaya Albaabada Aqallada ay lacagaha ku leeyihiin, xataa Haddii aanay joogin dadkii masuuliyiinta ahaa ee guryaha lahaa ama kirada ugu jirey.
Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Degaanka Hargeysa ayaa isagu dhawaan ku dhawaaqay inay shaqaalahooda ka joojiyeen la bixidda Albaabada Guryaha Lacagta cashuurta ah lagu leeyahay, ka dib markii ay shaqaaluhu la baxeen Albaabada Aqallo wasiirro leeyihiin oo Ardiyad Badani ku baaqatay, waxana dhawaaqaas Guddoomiye-ku-xigeenka naruuro u arkay Dad badan oo ka biyo diiddanaa tallaabada shaqaalahin ku socdaa. Haatan ayaa si toos ah loo arkay shaqaalaha oo Albaabada la baxaya iyagoo waliba qaab khilaafsan nidaamka suubban u wada hawsha, waxana ay taasi mar labaad Beeninaysaa dhawaaqii madaxda Dawladda hoose hore ugu sheegeen inay arrintaas joojiyeen dibna aanay u dhici doonin.
Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa xildhibaanadeedu xilligii ay Ololaha ku jireen waxa ay ku Gooddiyi jireen inay meesha ka saari doonaan dhammaanba waxyaabaha hagardaamooyinka ku ah shacabka Danyarta ah eek u dhaqan caasimadda, waxase ay noqdeen Dad kale oo aan kuwii hore loo yaqaanay Ahayn markii ay mansabyada la wareegeen.
Tallaabadan ay shaqaalaha dawladda Hoose ee Hargeysa kula baxayaan Albaabada Guryaha Cashuurta lagu leeyahay, ayaa ah arrin shacabku si aad ah uga soo horjeestay, waxana in badan cabasho ka muujiyey dad lagula kacay tacaddi iyo gardarro kaga timi shaqaalaha dawladda Hoose ee cashuurta ururiya, iyagoo marmarka qaar la baxa Albaabo mar hore cashuurtoodii la bixiyey.
Haddaba Madaxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa looga baahan inay joojiyaan Tallaabadan Shacabka Guryahooda Albaabadala lagula baxayo, waxana looga fadhiyaa inay keenaan Nidaam kale oo muwaadinka looga qaadi karo cashuurta lagu leeyahay si aanay u lumen kalsoonida shacabka iyo xukuumadda u dhexaysaa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
