Hargeysa:23-Oct-2013(SDN)-Abwaan Cali Xasan Adan (Banfas), wuxuu ku dhashey deegaanka Dhaboolaq ee duleedka magaalada Hargeysa sanadkii 1948kii.
Quraanka iyo tacliintiisa dugsi hoose iyo sare wuxuu ku dhamaystey magaalada Hargeysa. Waxa uu sanadkii 1971 ka qalinjebiyey kuliyaddii tababarka macalimiinta ee LAFOOLE. Sidaas buu ku ahaa macalin mudo dheer ka shaqaynayey wasaaradda waxbarashada dawladii Somaliya.
Cali Xasan waxa uu ahaa hogaamiyihii u horeeyey ee ururkii ardayda Soomaaliyeed (SSA)—Somali Students Association. Ururkaas oo banaanbax uu soo abaabulay sanadkii 1968kii ay ugu halgamayeen in magaalada Hargeysa yeelato dugsi secondary ah.
Markii ay dhamaysteen dugsigii dhexe ayey diideen in loo bedalo dugsiga sare Camuud ama Sheekh midkood. Banaanbixii ay soo qaadeen ururkii ardaydu waxaa ku dhintey wiil reer Hargeysa ahaa. Dhamaan xubnihii ururka oo dhan xabsiga ayaa la dhigay mudo dhowr maalmood ah. Kamanay tanaasulin hadafkoodii. Sidii baa lagu dhisay dugsiga sare ee Faarax Oomar ee magaalada Hargeysa.
Cali Xasan Aadan wuxuu kamid noqdey dufcaddii u horeysay ee ka baxdey dugsigaasi Farah Omar sanadkii 1969-70. Geedaha gobka ah ee ka dhexbeeran dugsigaasi waxaa beeray ardaydii wax ka baran jirtey. Cali Xasan Aadan mid kamid ah geedaha ugu waaweyn ee gobka ah, ee badhtanka dugsiga Farah Omar isagaa beeray. Wuxuuna midhiihiisii gurtey wakhtiyadii danbe ee uu macalinka ka noqdey dugsigaasi.
Markii uu u gudbey magaalada Muqdisho ee uu ka baxay Jaamacaddii Lafole wuxuu barre ama macalin ka ahaa dugsiga sare ee Macalin Jaamac ee magaalada Muqdisho. Waxaanuu halkaas ka sii wadey cabirka dareenkiisa suugaaneed oo uu Hargeysa ka bilaabay wakhtigii uu ardayga ahaa.
Sanadkii 1975kii ayuu ku guulaystey tartan suugaaneed lagu qabtey magaalada Muqdisho Tartan suugaaneedkaas, waxaa ka qaybgaley abwaano iyo gabayaa aad u tiro badnaa oo Soomaaliyeed. Tartan suugaaneedkaas waxaa magaciisu ahaa Bandhiga Fanka iyo Suugaanta. Marka la soo gaabiyona noqonay BANFAS. Sidaa buu naaneystiisa ku qaatey kadib markii uu kaalinta 1aad kaga guulaystey tartan suugaaneedkaas. Kaalinta 2-aad waxaa galay abwaan Cabdulqaadir Xirsi Yamyam, kaalinta 3-aad waxaa galay abwaan Cabdalle Raage iyo kaalinta 4-aad oo uu galay abwaan Muuse Cali Faruur.
Sanadihii u dhaxeeyey badhtamaha todobaatanaadkii ilaa sideetamaadkii, wuxuu ku gudo jiray fikir cabir suugaaneed oo uu si xoogle ugu dhaliilay nidaamkii kalitaliska ahaa. Waxaanuu ku muteystay xadhig iyo cadaadis farabadan oo kaga yimid nidaamkii kalitaliska.
Dhacdadii ugu taariikhda badneyd waxay ka dhacdey magaalada Hargeysa. Dhismaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa. Halkaas oo ay ku adeegi jirtay Maxkamadii Badbaadada ee taliskii kelitaliska ahaa ku meelmarsan jiray xasuuqii iyo hagardaamooyinkii shacabka. Cali Xasan oo lagu eedeynayey inuu tiriyey gabay kasoo horjeeda Dawladii kelitaliska ahayd, ayaa maxkamadda horteeda ka tiriyey isla gabaygii lagu haystey. Dhacdadan hore umaysoo marin dadka. Waxaa aad looga wada naxay sida la odhan doono, waayo Maxkamadda Badbaadadu waxay lahayd awood aan cidina kaga daba dhufan. Oo xitaa go’aanadeedu meel looga rafcaan qaato may lahayn. Waxa keliya jiray cafis madaxweyne. Siyaad Bare na nin gabay ku caayey inaanuu saamaxaad daaye, ilbidhiqsi fursad ah inaanuu siinayn baa la ogaa. Waxaa goobta ahayd meel ciidan iyo hub farabadani qarqiyeen oo dadku cabsi gudaheeda iyo hareeraheedaba ku joogi jireen. Gabaygaasi qoraalbaanu idiinku soo gudbin doonaa iyo waraysiyo dadkii maalintaas goobjoogga u ahaa.
Cali Xasan Aadan waxaa uu mudo dheer ku qaatay xabsigii caddaaadiska indheergaradka ee Madheera. Inta badan jidhdil laguma samayn jirin, maxaa yeellay marnaba muu dafiri jirin kamid ahaanshihiisa ururkii SNM. Markii mujaahidiinta SNM ay afduubeen dayuuradii Somali Airlines bilowgii sideetamaadkii, afduubkaas oo ahaa kii ugu weynaa ee soo mara dawladii kelitaliska waxaa hogaaminayey mujaahid Cawil Cadami. Mujaahidiintu waxay diyaaradii fadhiisiyeen Adisababa xarunta Ethiopia. Halkaas oo wada hadal iyo shuroodo lagu sii daayey dayuuradii. Laba liis ayey soo gudbiyeen afduubeyaashu, liis maxaabiis SNM iyo indheergarad ku xidhan Muqdisho, iyo liis maxaabiis Cali Xasan ugu horeeyo ay ku qoranyihiin oo ay kamid ahaayeen ardaydii dhagaxtuurkii 1982kii Hargeysa ka dhacay. Intii uu Hargeysa joogay iyo intii uu u baxay banaanka iyo fadhiyaddii jabhadii SNM, marnaba kamuu hadhin halgankii lagaga soo horjeeday taliskii keligii taliska ahaa ilaa aakhirkii laga xoreeyey dalka sanadkii 1991kii.
Eebbe Ha Unaxariisto Cali Xasan Aadan (Cali-banfas)
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
