Muqdisho 23.October 2013 (SDN)- Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u codeeyay wax ka baddelka qaar ka mid ah qodobbada xeer hoosaadka golaha shacabka kaddib kulan shalay ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho.
Xildhibaannada ayaa cod u qaadday qaar kamid ah qodobbada, oo ay soo jeediyeen guddiga Xeer hoosaadka, Xasaanadda iyo Anshaxa ee baarlamanka.
Qodobbada ay golaha u codeeyeen ayaa waxaa kamid ahaa qodobka 9-aad ee xeer hoosaadka baarlamanka, kaas oo dhigaya xil waayidda guddoonka sare ee baarlamanka iyo ku xigeennadiisa.
Guddiga xeer hoosaadka ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa codsaday in la khafiifiyo tirada mooshinka ka keeni karto guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa, iyada oo xildhibaannada baarlamanku ay u codeeyeen isla markaana loo daayey sidii hore ee uu ahaa qodobka 9-aad ee xeer hoosaadka baarlamanka.
Qaar kamid ah qodobbada baarlamanka ay u soo gudbiyeen guddiga xeer hoosaadka, xasaanadda iyo anshaxa, ayaa lagu wadaa in maanta loo codeeyo.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
