Balli Gubadle 23.October 2013 (SDN)- Magaalada balligubadle ee Gobolka hawd waxaa maanta ka dhacay Isu soo bax balaadhan oo dhiirrigelin u ahaa ka qayb qaadashada barnaamijyada iskaa wax u qabso ee Somaliland ka socda ayaa lagu Go’aamiyey in dadweynaha Deegaanku bilaabaan hirgelinta 10-kii KM ee u horeeyey wadada laamida ah ee isku xidhi doonta magaalada balligubadle iyo caasimadda Somaliland.
Isu soo baxan oo ka dhacay fagaaraha garoonka kubadda cagta ee magalada Balligubadle ayaa waxaa dadweynaha kala hadlay badhasaabka Gobolkaasi Md Ibraahim X xasan Cali oo dadweynaha ku boorriyey adkaynta ammaanka iyo ka qayb qaadashada barnaamijyada horumarineed ee Gobolku u baahan yahay.
Isu soo baxan dadweyne ee maanta ka dhacay magaalada balligubadle oo sidoo kale ay hadalo ka jeediyeen waxgaradka iyo cuqaasha deegaanku ayaa calaamad looga dhigay sidii ay dadweynaha Gobolka hawd oo kaashanaya xukuumadoodu ay isugu tashan lahaayeen dadweynahu, iyagoo ku ballanqaaday in ay bilaabaan dhismaha 10-ka KM ee ugu horeeya ee wadada laamida ah ee loogu talo galay inay isku xidho Magaalada balligubadle iyo caasimadda Somaliland ee hargaysa.
Isu soo baxaa ka bacdi badhasaabka iyo wefti hogaaminaya waxa ay u ambabaxeen dhinaca tuulooyinka Gumburaha iyo ballicase oo ay ku soo marayaan socdaal shaqo.
Balli Gubadle SDN.
Qurbejoog.com
