Hargaysa 24.October 2013 (SDN)- Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Somaliland ayaa fadhigoodii Todobaadlaha ahaa ee maanta waxa la gaadhsiiyey oo laga talaalay cudurka dabaysha ee Da’ kasta oo ololihiisu ka socdo dalka.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo toosiye iyo ku xigeenkiisa Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo ka qayb gelayey fadhiga golaha xukuumadda ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay ka qaataan oo ka faa’iidaystaan talaalka cudurka dabaysha oo ah mid Da’ kasta laga talaalayo.
Dhankeedana Marwo Shukri Xariir wasiir ku xigenka wasaaradda qoyska iyo arimaha Bulshada ee JSL ayaa fadhiga wasiirada gudihiisa farriin gaar ah oo ku saabsan qaadashada talaalka uga dirtay haween-weynaha Somaliland uguna baaqday inay ka faa’iidaystaan fursadan muhiimka ah ee lagu yaraynayo lagulana dagaalamayo waxyeelada uu keeni karo cudurka dabaysha ama Polio-da, iyadoo ku dhiirrigelisay in hooyadu ay is talaasho, ubadkeedana talaasho.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
