Uncategorized

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Cadeeyay inuu hoos u dhac ku yimid Weeraradii budhcad badeeda

Muqdisho 24.October 2013 (SDN)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta sheegay in hoos u dhac uu ku yimid afduubkii iyo falalkii kale ee ay burcad badeedda Soomaalida ka geysan jireen xeebaha dalka iyo kuwa ka baxsan.

Ra'isal wasaaraha Somalia Saacid 2Ra’iisul wasaaraha oo shir guddoominayay shirka joogtada ah ee golaha wasiirrada ee maanta ayaa  sheegay in dhallinyarada badankood ay isaga baxeen howlaha burcad badeednimada, iyagoo ka rajo qaba isbeddelka ka dhacay dalka iyo horrumarrada la hiigsanayo.

Wuxuu xusay in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto dadaallada lagula dagaallamayo dhibaatooyinka ay geysanayaan burcad badeedda.

Dhinaca kale golaha wasiirrada ayaa maanta dalbaday in la kordhiyo miisaaniyadda dowladda, si loo xoojiyo waxqabadka hay’adaha dowladda ee sannadka soo socda.

Kulan gaar ah oo dhici doono Axadda ayaa la sheegay in lagu falaqeyn doono codsiga golaha wasiirrada ee ku aadan kordhinta miisaaniyadda 2014.

Muqdisho SDN,

Qurbejoog.com