Uncategorized

Xukuumada Somalia oo dhaqan gelin doonta adeega boosaha ee dalka ka Maqnaa in ka badan 20 sanno

Muqdisho 24.October 2013 (SDN)- Wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in boostada Soomaaliya ay si rasmi ah u howlgeli doonto kowda bisha soo socota ee November .

ciilmooge-duhur_com_1Ciilmooge oo hadal ka jeediyey maanta  kulanka  golaha wasiirrada ayaa tilmaamay in shir 22-kii April ee sanadkan lagu qabtay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta lagu go’aamiyay in sida ugu dhaqsaha badan loo howlgeliyo boostadii Soomaaliya.

Wuxuu carabaabay in la filayo in 193 dal oo caalamka ah ay qoraallada la soo marsiiyo boostada soo gaarsiin doonaan Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka Isutagga imaaraadka carabta uu noqon doono xarunta qabashada, gudbinta iyo maamulka boostada Soomaaliya, taasoo ay horay uga heshiiyeen labada dowladood.

Boostada Soomaaliya ayaanan shaqeyn tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com