Uncategorized

Gudida Daba Galka Xasuuqa oo Shaaciyay inay dhawaan soo saari doonaan filim Documentary ah

Hargaysa 24.October 2013 (SDN)- War saxaafadeed ay maanta soo saareen gudida baadhista xasuuqa Qaranka ayaa waxa ay ku sheegeen inay dhowaan soo bandhigi doonaan film Documentary ah oo ka hadlaya xasuuqii ka dhacay Deegaanada Somaliland sanadihii sideetameeyadii ee qarnigii ina dhaafay,

XasuuqWar saxaafadeedkan oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyaha Gudida baadhista xasuuqa Md Khadar Axmed Like ayaa gudidu  kaga dalbatay hay’adaha dawladda qaarkood inay kaalintooda ka qaataan xafidaada taariikhdaasi murugada lahayd ee uu shacabka Somaliland soo maray xiligii dawladii keli taliska ahayd ee dalkii la isku odhan jiray Somalia. Iyagoo ka dalbaday wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare in manhajka waxbarashada dalka ay ku daraan taariikhdaasi si jiilasha soo koraya ay ula socdaan xanuunkii loo soo maray xorriyadan ay shacabka Somaliland ku naalloonayaan.

Gebagebadii war saxaafadeedka gudida baadhista xasuuqa qaranka ayaa lagu saxay qormo ku soo baxday wargaysyada dalka mid ka mid ah oo daabacay in gudida baadhista xasuuqu xafiisyo ku leedahay guud ahaan gobolada dalka, iyagoo gudidu war saxaafadeedkooda ku caddeeyey in hal xafiis oo rasmi ah oo keliya ay gudidu ku leeyihiin caasimadda Somaliland, goboladaan ay u tagaan shaqo oo keliya.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com