Maka 24.October 2013 (SDN)- Wasiirka garsoorka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa maanta shaaca ka qaadday in shan ka tirsaneyd xujeydii Soomaalida ee sannadkan soo xajisay ay geeriyoodeen, halka siddeed kalana ay dhaawacmeen.
Geerida Soomaalidan ayaa loo aaneynayaa ciriiriga Xajka iyo xujeyda oo is-buurtay.
Cabdullaahi Abyan Nuur oo kamid ahaa xujeyda ayaa sheegay in sannadkan ay soo xajiyeen 7,440 qof oo Soomaali ah.
Wasiirka oo maanta ka hadlayay shirka joogtada ah ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ayaa xusay in si nabad ah ay u soo guteen waajibaadka xajka, marka laga reebo dadka geeriyooday.
Dad badan ayaa sanad walba ku geeriyooda xajka, taasoo ugu wacan ciriiriga malaayiin qof oo gudanaya waajibaadka xajka.
Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan dhintay 20% tirada xujeyda ka imanayey dalal ay Soomaaliya ku jirto, kaddib markii dib u habeyn lagu billaabay qeybo ka tirsan xaramka.
Maka SDN.
Qurbejoog.com
