Uncategorized

Ra’isal Wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga oo Fadeexad ku tilmaamay fadhataysiga Xaruntii West Gate

Nairobi 24.October 2013 (SDN)- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa cambaareeyey sida ay ciidamada dalkaas ula tacaaleen weerarkii ka dhacay xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi bishii hore.

Raila OdingaOdinga oo hadda ku sugan dalka Mareykanka ayaa dhaleeceeyey bililiqo la sheegay in ciidamada ay u geysteen xarunta intii uu socday weerarka, isagoo xusay in ay dadka Kenyan ah aad ula yaabeen  markii ay arkeen video muujinayo ciidamada oo alaabo ka qaadanayo goobo ganacsi.

Wuxuu sheegay in ay ka naxdin iyo yaab badneyn weerarkii dhacay markii la arkay muuqaallada ciidamada oo wax bililiqeysanayo, taasoo uu ku tilmaamay mid wax u dhimeyso sumcadda iyo xirfadda ciidanka.

Muuqaallada oo ay baahiyeen talefashinnada Kenya oo laga helay kaamiroonka qarsoon ee CCTV ayaa muujinayay militariga Kenya oo wata baco ay ku jiraan alaabo ay ka soo qaateen dukaamo Westgate ku yaalla.

Muqaallada ayaa dhaliyey caro dadweyne, iyadoo saraakiishu ay beeniyeeen  in ay ciidanka bililiqo ku dhaqaaqeen.

Taliyaha  booliiska Kenya David Kimaiyo  ayaa Arbacadii sheegay in la xiri doono, dacwadna lagu soo oogu doono warfidiyeennada baahiyey warar iska horkeenayo dowladda iyo shacabka.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com