Uncategorized

Madaxweyne Obama oo Agela Merkal ku qanciyay in aan la dhegeysan telephonadeeda

Washington Oct 24,2013(SDN)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama ayaa khadka telfoonka kula hadlay haweeneyda hogaamisa dalka Jarmalka Agela Merkel oo uu ka qancinayay warar la shaaciyay oo tibaaxaya in sirdoonka Mareykanku basaaseen.

Hadalkan oo ka soo yeeray nin u shaqeyn jiray hay’ada amniga iyo la socodka warbaahinta ee NSA Edward Snowden ayaa lagu sheegay in Merkel ay ka mid tahay madax reer Galbeedka oo ay Mareykanku dhegeysteen teleohoonadooda.

Obama ayaa u sheegay Merkel in aaney NSA-du dhegeysan isla markaana aaney dhab aheyn hadaldan la shaaciyay.

Mareykanka ayaa bilihii u danbeeyay la shaacinayay in ay sirdoonkoodu dhegeysan uun dadka la tuhunsan yahay oo qura balse ay dhegeystaan shicibka iyo madaxda dalalka ay xulafada yihiin.

Hadal heynta arinkan ayaana ahaa bilihii u danbeeyay mid aad uga careysiiyay gaar ahaan shacabka iyo dawladaha reer Galbeedka.

 

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com