Uncategorized

Fadeexad diplomaasiyadeed oo Sucuudigu kula kacay Soomaaliya

21 bishan Oktoobar ee aynu ku jirno oo ku astaysan maalintii tan teedii ahayd 1969 markii ay askartiu maroorsadeen talidii dhulkii la odhan jiray jamhuuriyadda Soomaaliya, haddaba Tirsigii 18443 ee wargayska Al Madiina ee gacan saarka dhaw la leh qoyska reer boqor ee ka taliya sucuudiga, ayay ku soo baxday sidani.
Sucuudiga oo dawladda iyo shacabka soomaaliyeed ugu hanbalyayeeyay 23 guuradii ka soo wareegtay curashadii kacaankii cawaysnaa ee ka curtay barri soomaal.
boqor cabdalla iyo dhaxa sugihiisa salmaan ayaa madaxwayne xasan sheekh iyo umadda soomaaliyeed iyo dawladooda federalka ah u rajeeyay bash bash iyo horumar iyo inay farxad ku ciidaan xuska maalitaas 21 oktoobar.\
waxay sidani dhacdaa sanad walba maadaama uu riyadh safiir uga yahay soomalida  oday axmed cabdalla oo uu kacaanku soo diray dhawr iyo labaatan sanadood ka horaw.
wasaaradda arimaha dibada ayaan iyadu laba socon arintan ama ka war la, sucuudiga waxaa loo waayay cid ugu dhaarata inaanay 21 oktoobar ahayn maalintii ay soomaaliya xorawday, cidina aanay xusin,
waxyaalaha maalin qarameedda soomalida mugidiga galiyay wax ka mid ah in kowdii july labadii gobol ee midoobay aanay maanta midaysnayn oo ay deeradu dhex miranayso, iyo 26 kii June aanay ahayn maalintii ay koonfuri xorawday oo ay tahay maalin khusaysa somaliland hadday xusayso iyo hadday 18 may ku badalanaysaba.
Soomaaliya waxaa haysta jahaweer maalin qarameed oo waxay xustaba ma cadda markaa sucuudigu daw buu u yeeshay inuu ugu hanbalyeeyo maalintii ugu danbaysay soomali wax ah oo ay wafidiyda u soo diran jireen inay siyaad barre salaanta kula qaataan tarabuunka xamar.
Jamal Haji Axmed Madar Samakaab
anba.waan.yaabayay@gmail.com