Hargaysa 27.October 2013 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Iftiimiyay dib u dhacyo dhinacyo kala duwan leh oo dalka soo Gaadhay Mudadii ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminta Qaranka Haysay,Waxaa kale oo ay Jawaab ka Bixiyeen hadal kasoo Yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Sheeegay Maalintii Shalay in Garsoorka Somaliland ay ku shaqeeyaan wax isdaba marin iyo Laaluush.
Qoraal uu ku Saxeexan yahay Hanti dhowraha Guud Ee Xisbiga / Gudoomiyaha Guddiga WarfaafintaMd. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) ayaa dhignaa Sidan:- Guuldarooyinka xukuumadda Kulmiye ee sida isdaba jooga ah isaga soo dabadhacaya waxaa ka mid ah.
Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.
Waftiyada beelaysan ee safarada u baxa taas oo macnaheedu yahay daahfurnaan la’aanta iyo sadbursiga Xukuumadda Kulmiye ku soo kordhisay geedi socodkii dimuqraadiyadda Somaliland.
Xukuumadda Kulmiye oo si badheedh ah u cadaysatay Musuqmaasuqa ka dhex jira iyo laaluushka aafeeyey dhamaan ha’yadaha ay fulintu kow ka tahay islamarkaasna saameeyey Caddaaladda iyo Garsoorka dalka.
“Sida uu caddeeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade in bahda caddaaladdu ku shaqayso laaluush iyo wax is dabamarin ay kasoo dheegatay xukuumadda uu wasiirka ka yahay”,Waxaanu leenahay Wasiir ”Geela Duqdiisi Durdurisay Aarankiisana Maxaad Mooday”
Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush iyo guulwadayn iyo mansab-bixin iyo shaqaalayn beelaysan oo caddaaladda ka fog si ay u meel marsadaan ujeedooyinkooda ay danaha gaarka ah ka leeyihiin
Maxaa bahda garsoorka iyo Caddaaladda laga fili karaa oo aan ahayn in ay maraan waddada musuqa ee ay xukumaddu bartay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
