Uncategorized

“Waxaan Cadaynayaa in Dhismaha Gudida Qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye aan Kalsooni 100% ah Ku qabo” Wasiirka Maaliyada Samaale {DHAGAYSO}

Hargaysa 27.October 2013 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo ka Mid ah Shakhsiyaadka ugu Fadalo cad ee uu Hungurigu kaga Jiro Hanashada Hogaaminta Xisbiga Kulmiye ayaa daboolka ka qaaday inuu Kalsooni Buuxda ku qabo Gudida Qaban Qaabada Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye ee dabayaaqada Bisha Decenbar  qabsoomi doona .

Wasiirka Maaliyadu Waxa uu sheegay oo kale in Xisbiga Kulmiye uu yahay mid Taariikhda Somaliland Qayb weyn ka ah waxaanu Hadalkan ka Jeediyay Munaasibad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada oo loogu Gogol Xaadhayo Qabsoomida Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.

GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII WASIIRKA MAALIYADA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SamaaleKulmiye27.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com