Hargaysa 27.October 2013 (SDN)- Kulan Hawleed ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa hawl-gudashada tayada shaqaale hoosaadka labada Gole Baar-lamaan ee Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaaklada Hargeysa.
Furitaankii kulan haw-leedkan oo socon doona toban maal-mood hadal uu ka jeediyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Baar-lamaanka Mud, Cali Yusuf Axmed, ayaa waxa uu u soo jeediyey shaqaalaha Kulanku u fuurmay, inay si wacan uga faa’iidaystaan duruusta ay qaadanayaan mudada uu kulanku socdo. Waxaanuu intaa raaciyey in shaqaalaha Golayaasha baar-lamnaanku ay laf-dhabar u yihiin hawlaha baar-lamaanka oo ay ku kay-dsan tahay xogtii Goluhu.
Mud, Cali Yuusuf Axmed Waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha Kulan-howleedku u furmay inay ilaaliyaan saacadaha ay duruusta qaadanayaan, si wanaag-sana ay uga faa’iidaystaan,waxaanuu xusay in marka kulanku dhammaado Baarlamaanka loo soo gudbin doono duruustii lagu qaatay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
