Uncategorized

Tababar ku Saabsan Tayaynta Hawl Gudashada Shaqaale hoosaadka Golaha Wakiilada oo Hargaysa ka furamay

Hargaysa 27.October 2013 (SDN)- Kulan Hawleed   ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa hawl-gudashada tayada  shaqaale hoosaadka  labada Gole Baar-lamaan ee Wakiilada iyo Guurtida ayaa maanta lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaaklada Hargeysa.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee WakiiladaFuritaankii  kulan haw-leedkan oo socon doona toban maal-mood   hadal uu ka jeediyey Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Baar-lamaanka Mud, Cali  Yusuf Axmed, ayaa waxa uu   u soo  jeediyey shaqaalaha  Kulanku u fuurmay, inay si wacan uga faa’iidaystaan duruusta ay qaadanayaan mudada  uu kulanku socdo.  Waxaanuu intaa raaciyey in shaqaalaha Golayaasha baar-lamnaanku ay laf-dhabar u yihiin hawlaha baar-lamaanka oo ay ku kay-dsan tahay xogtii Goluhu.

Mud, Cali Yuusuf Axmed Waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha  Kulan-howleedku u furmay  inay ilaaliyaan saacadaha ay duruusta qaadanayaan, si wanaag-sana ay uga faa’iidaystaan,waxaanuu  xusay in marka kulanku dhammaado Baarlamaanka loo soo gudbin doono duruustii lagu qaatay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com