Hargaysa 27.October 2013 (SDN)-Kulan hawleed socday muddo labo maalmood ah oo ujeedadiisu ahayd sida loo xakamayn lahaa loona joojin lahaa gudniinkla hablaha sharcina looga soo saari lahaa ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey hotel maansoor ee magaalada Hargaysa.
Gudoomiyaha xuquuqul insaanka qaranka Marwo Fadxiya Xuseen Jaahuur oo xidhitaankii kulankaasi ka hadashaya ayaa sheegtay in wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshadu ay xeer ka soo diyaarinayso arintaasi, baarlamaankuna isagoo ka duulaya dhinaca xuquqda aadanaha uu sharci ka soo saari doono xakamaynta gudniinka hablaha.
Kulankan oo ay ka qayb qaadanayeen hawlwadeeno ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee arrintani khusayso oo ka kala socday lixda gobol ee waaweyn iyo wakiilada gobolada ee hay’adda xuququl insaanka qaranka.
Marwo fadxiyo Xuseen jaahuur ayaa gebagebadii kulanka waxa ay warbaahinta u soo bandhigtay qodobada todobada ah ee kala ah:
- In wasaaradda Diui ta iyo awqaaftu ay gaadho go’aan lagu xakamaynayo gudniinka hablaha
- In wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshadu dardargeliso sidii sharci looga soo saari lahaa qaabka loo marayo xakamaynta gudniinka hablaha.
- In Golaha wakiiladu curiyaan, Dhamaystiraan, isla markaana ansixiyaan sharciga xakamaynta gudniinka hablaha.
- In Kumishinka habluhu uu sameeyo hubinta loo baahan yahay.
- Qaybaha warbaahinta ee kala duwan waa inay si tabaruc ah uga wacyigeliyaan bulshada dhibaatada gudniinka hablaha
- Ururada bulshada, hay’adaha caalamiga ah iyo qaramada midoobay iyo ciddii kale ee ay khusayso waa inay kaalintooda ka qaataan xakamaynta gudniinkaasi
- Kulanka waxaa lagaga baaqay in wasaaradda diinta iyo awqaaftu samayso xafiis gaar ah oo u xilsaaran kajawaabista arimaha dibadda
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
