Uncategorized

Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somalia oo New York kaga Qayb galaysa Shirka Golaha Amaanka oo Arrimaha Somalia lagaga hadli doono

Muqdisho 27.October 2013 (SDN)- Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta u amba-baxday magaalada New York, halkaas oo ay uga qaybgalayso shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhammaadka bishan dhacaya.

Foosiya Yusuf Xaaji AadanShirka oo looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan kordhinta ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika iyo taageeridda ciidamada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Fowsiya ay ka jeediso qudbad ay ku codsanayso in Golaha Ammaanka uu Soomaaliya ka taageero qalabaynta ciidamada, tayayntooda iyo dhaqalaaha.

Sidoo kale, wasiirka ayaa la filayaa inay codsato in la xoojiyo ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya jooga, si magaalooyinka ay ku hareen looga saaro maleeshiyada al-Shabaab oo hadda loo arko inay qatar ku tahay amniga gobolka Geeska Afrika, kaddib weerarkii Westgate ee bishii hore.

Midowga Afrika ayaa dhowaan soo jeediyay in la kordhiyo ciidamada ka qaybta ah howlgalka nabadda ee Soomaaliya, si guulo looga gaaro dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com