Uncategorized

Heerka Basaasnimo ee Maraykanka oo Meel Halis ah Maraya iyo Angela Merkel oo Mobilkeeda la Dhagaystay

Oslo  27.October 2013 (SDN)- Warbixin lagu daabacay wargeyska Der Spiegel ee ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanku ay basaasaysey Mobilka Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel tan iyo sanadii 2002.

Hawlwadeeno ka tirssan wargeyska ayaa sheegay inay arkeen Dukumentiyo CIA leedahay oo ku qoranyihiin lanabaro tan iyo 2002 la dhageysanayay waxana ka mid ahaa mobilka gacanta ee u gaarka ah Angela Merkel.

MERKEL-MOBILEDibadbaxyo ayaa ka dhacay Washington iyadoona dadkii banaanka xarunta gaashaandhiga iskugu soo baxay ku dalbanayeen in shuruud loo sameeyo dhageysiga taleefanada, waxana ay bogaadiyeen Edward Snowden oo daaha ka fayday barnaamijkan.

Jarmalka ayaa khuburo sare oo sirdoonkeeda u diraya dhowaan Maraykanka   si ay baaritaano u sameeyaan ku aadan dhageysiga Mobilada oo carro wayn ka dhaliyay dalkaasi.

Jimcadii dhawaa Jarmalka iyo Faransiiska ayaa codsaday in heshiis la galaan Maraykanka oo ku saabsan inaan la dhageysan Mobiladooda.

Safaaradaha Maraykanka in ka badan 80 dal ee dunida ayaa la shaaciyay warbixin la helay inay ku dhex yaaliin goobo lagu dhageysto taleefanada, waxana ay dhalin lahayd muran xoogan hadii ay ogaan lahaayen dalalka martigeliyay.

Angela Merkel ayaa taleefanka kula xiriirtay Madaxweyne Obama oo u sheegay inuusan waxba kala socon dhageysiga Mobilada sida ay sheegtay warbixinta Der Spiegel.

Oslo SDN.

Qurbejoog.com