Jawhar 07.Nov 2013 (SDN)- Duleedka Bari ee degmada Jowhar xarunta Shabeelada Dhexe ayaa waxa maanta ka soo cusboonaaday dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeledyo isku haysta dhul beereedyo.
Sida ay Sheegeen Ilo Wareedyo kala duwan Waxaa la Xaqiijiyay in Ilaa 18 Qof ay ku dhinteen Isla markaana uu dhaawacu kor u dhaafay 20 ruux .
Deegaanada Geeda-Barkaan, Timire iyo Gaafay oo duleedka Bari ka ah Jowhar ayaa dagaaladu ka socdeen, waxana socda sida la sheegay hub aruursi beeluhu wadaan.
Ciimada DF Somalia ee ku sugan degmada iyo AMISOM ayaan dhexgalin dagaalka, waxana sidoo kale aan lagu soo qaadin dagaalka shirkii golaha wasiirada ee Muqdisho.
Madaxweynaha DF Somalia ayaa shalay booqasho ku tagay degmada Jowhar qaadatay saacado ka hor inta uusan ku laaban Muqdisho, waxana uu caalamka waydiistay inay gargaar lala soo gaaro dadka ku tabaaleysan magaalada.
Fatahaada webiga oo dadka 10 gaaraya ku dhinteen islamarkaasina boqolaal qoys barakaceen ayaa waxa la gu soo waramayaa in dagaalka dhibkiisu ugu soo darsamay dadka degan Jowhar iyo agagaarkeeda.
Jawhar SDN.
Qurbejoog.com
