Nairobi 07.Nov 2013 (SDN)- Ciidanka Kenya ayaa uga digay shacabka ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo inay ka ag dhowaadaan xarumaha maleeshiyada Al-Shabaab.
Afhayeenka ciidanka milateriga Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa barta uu ku leeyahay Twitter wuxuu ku bidhaamiyay suurta-galnimada weerarro cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab.
“Waxaan waydiisaneynaa dadka fiican ee Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose inay ka fogaadaan xerooyinka iyo jid-gooyooyinka Al-Shabaab,” ayuu yiri Emmanuel Chirchir
Major Chirchir waxa uu diiday inuu bixiyo faahfaahin mar ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Tan iyo muddadii ka dambeysay weerarkii Al-Shabaab ay ka geysatay xarun laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Nairobi bishii September, Kenya waxay kordhisay weerrrada cirka ee ay ka geysaneyso koonfurta Soomaaliya.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com
