London Nov 08,2013(SDN)-Nin Soomaali ah oo Booliska dalka UK dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqiisa isla markaana kolki u danbeysay ee la arkay ay aheyd kiyoo salaad ku tukanaya masjid ku yaal London ayaa dawlada UK ku eedeeyay in ay la socotay jir dil lagu sameeyay.
Axmed Maxamed Axmed oo 27 jir ah ayaan hore magaciisa loo shaacin iminkase la shaaciyay bacdamaa la baadi goobayo.
Axmed Waxa uu sheegay in sanadii 2011kii in lagu jir dilay Somaliland isla markaana uu doonayo in magdhaw la siiyo.
Sababta oo ah buu yiri ninkani iyo nin kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay “CF” ayaa ku andacooday in saraakiil British ahi aaney tixgelin siin jirdilka loo geystay.
Axmed Maxamed ayaa maxkamadi hore u xukuntay in uu lugta ku xidho aalad electronic ah oo xadideysa dhaqdhaqaaqiisa.
Xukunkaa ayaa lagu riday ka dib kolkii la sheegay in uu ku soo tababartay mid ka mid ah xeryaha ciidan ee Al Shabaab sanadii 2008dii.
Sidoo kale waxa lagu tuhunsan yahay in uu ku lug lahaa gacan siinta dad Britan uga yimi Soomaaliya si ay hawgalo argegixiso u fuliyaan.
Axmed Maxamed ayaa aheyn ruuxii u horeeyay ee ka muquurta la socodka ciidamada amaanka ee UK,waxa isna ilaa haatan aan wax war ah laga heyn Ibrahim Magag oo la la’ayahay tan iyo sanadkii hore.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com
