Baraawe:8-Nov-2013 (SDN)- Waxa Maalinba Maalinta Ka Dambaysa cirka isku sii shareeraya Khilaafka u dhexeeya Hoggaanka sare ee Al-shabaab, waxana uu Khilaafkaasi haatan gaadhay meelo halis ah.
Fu’aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaan Shongole, ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imanaya hogaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, xilli khilaafka kooxda uu kasii darayo, website Al-Shabaab ah ayaa sidaas ku warramay.
Shongole, oo la sheegay inuu diidan yahay ficillada Godane, ayaa dhowaanahan qaatay go’aan ah inaanu ka hadal khilaafka kooxda dhexdeeda ah, si uu uga bad baado Godane, waxaase muuqata inuu taas ku bad baadi la’ yahay.
Warar xog ogaal ah oo uu shaaciyey website taabacsan garab ka mid ah kuwa Al-Shabaab, ayaa sheegaya in Godane uu dhowaan amray in lala wareego ciidan ilaalo u ahaa Shongole iyo gaadiid dagaal, oo uu u reebay kaliya wax aad u yar, inta kalena hubka ay dhigaan, loona wareejiyey meelo kale.
Godane ayaa la sheegay inuu sidoo kale maleeshiyo cusub oo aanu wax aqoon ah u lahayn uu kusoo daray kuwa ilaalada u ah Shongole.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Godane uu sidoo kale amray in Shongole laga beddelo lambaradii telefoon loona sameeyo kuwa cusub.
Lama yaqaan sababta Godane uu arrintan ugu dhaqaaqay iyo inay tahay cabsi uu ka qabo Shongole ama horudhaca shirqool uu la maagan yahay Shongole.
Sida ka muuqata Tallaabooyinka uu Haatan qaadayo Hoggaamiye Godane, waxa ay arrintu u muuqataa inay soo dhawaatay xilligii Qoorta laga jari lahaa Fu’aad shango’le oo muddo khilaaf Ba’ani dhexyaallay.
S.D.N
