Uncategorized

Wefti u kuurgalaya Xaalada Nololeed ee Maxaabiista Budhcad Badeedka u Xidhan oo Hargaysa Yimi

Hargaysa 09.Nov 2013 (SDN)- Wefti balaadhan oo ka socda Ururka Tarays fan ayaa Booqasho Maanta ku Yimid Caasimada Dalka ee Hargaysa .

Ujeedada Socdaalka weftigan ayaa la xidhiidha u kuurgalida xaalada maxaabiista budhcad badeeda ah waxaanay soo booqdeen xabsiga dhexe ee caasimada oo ay ku jiraan Maxaabiis budhcad badeed ah,Waxaa kale oo ay soo indho indheeyeen hanaanka uu u shaqeeyo Xabsiga dhexe ee magaalada hargaysa .

showTaliye ku xigeenka Ciidanka asluubta Somaliland Gaashaanle Sare Xasan Cali Cawad ayaa ka warbixiyay qaabka ay u shaqeeyaan Ciidan ahaan iyo sida haboon ee ay Ciidamad asluubtu ula dhaqmaan Maxaabiista kala duwan ee ku jirta Xabsiyada Somaliland.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Cawad waxa uu xusay inay baahi weyn  u qabaan sidii dayactir loogu samayn lahaa Jeelasha dalka isla markaana tababaro loo siin lahaa Ciidanka asluubta .

Sidoo kale waxay weftigani Kulan kula qaateen huteel maansoor ee magaalada hargaysa Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali,Wasiirka Wasaarada Cadaalada Mudane Xuseen Axmed Caydiid,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan iyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Asluubta Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com