Markaan fahmi waayey siyaasadda Somaliland ee ay dalkooda ku maamulayaan,ayaa waxaan yara fadhiistay BEER gurigeyga u dhaw , oo aan is idhi ku yara naso .
Waxa halkaa isugu yimi cayayaan badan oo DUULAAYEY , waxaan iswaydiiyey,bal haddii aynaan dalalkan horuumarey waxba ka baran wayney , BAL xagga cayayaanka aan u kacno , bal inaynu in uun wax ka baran karno .
Waxaan arkey in QUDHAANJADU ay tahay cayayaan layaab leh , markii aan muddo u fiirsanaayey (derseyey) , dadku waxay u yaqaanaan qudhaanjadu inay tahay abuur (makhluuq) aad u firfircoon oo shaqo badan , oo aan daalin oo garaad badan leh , LAAKIIN qoraalkanwaxaan ku sheegayaa , inay tahay qudhaanjadu abuur aad u doqon ah , oo cidla ku xiiqda , waxaad arkeysaa subaxdii iyada oo godkeedii ka soo baxaysa , oo dhinac allaale iyo dhinacay doonto u carareysa (u kaceysa) iyada oo garaneyn meesha ay u socoto , wax kasta oo ka horyimaadana way cuntaa , galabtiina waxay soo noqotaa iyada oon cunto afka ku sidan , waxna u keenin qoyskeedii ay saaka ka kalahdey . waxay istidhaahdaa buulkaagii kunoqo , laakiin way garan waydaa meeshii uu ku yiilay , midig bay u cararta , markaasey hadana dib u soo noqotaa , oo istidhaahdaa malaa waad luntaye buulkii xaggan kaama jiree , dib u noqo , hadana jiho kale ayaisku qaadaa ,dhagax baaba ka horyimaadda, hadaba intii ay dhinac ka mari lahayd , way isku qaadaa oo korbay istidhaahdaa , kabacdina way ka soo dhacdaa , jirjirka (dhabarka ) ayay u dhacdaa , cagaheeda yaryarbey ka firigfirig siisaa , ayada oo aad u cadheysan , kabacdi cagaheeda ayey isku taagtaa marlabaad.
cimrigeeda oo dhan waxay ku dhamaysataa rafaadkaa iyo wareerkaa iyo isku meeraysigaa , dib danbeysana uma garato , mana hesho waddo ay buulkeedii u marto .
Hadaba xukuumadda KULMIYE waxay ka dhigan tahay sida QUDHAANJADAA asqaysan ee kolba meel isku qaadeysa , ee kolba meel aan loo joogin loogana baahnayn oo aan munaasib ahayn xiligan oo aan suurto gal ahayn isku qaadeysa .
Kabacdina waxa timaadda ama dhacda arin kale oo xal u baahan , meel kale ayay ka fad kudisaa .
Hadday sidaa u socotana , kuna sii socoto , waxay ku danbeynaysaa , sidii QUDHAANJADU ku danbeysey ee ahayd .
Siday qudhaanjadu sidaa uGu meer meeraysanayso ayay waxay la kulantaa , CAG AMA WAX KA WAYN OO ISKU TAAGA , OO DHULKA KU MASAXA .
Hadaba intaan arintaas oo kale dhicin, waa in ay xukuumadda kulmiye , la timaadaa barnaamaj siyaasadeed cad oo la fahmi karo , lana garan karo , oo ay dalka iyo dadkaba ku maamushaa .
wax badan baa looga fadhiyaa xukuumadda kulmiye , ASQADA waa inay ka baxdaa , waa inay noqotaa xukuumad dadku wada leeyahay , talo iyo tusaaleyna waa inay qaadataa .
waa inoo iyo qaybta danbe ee balanbaalisa iyo shinida.
CALI MAXAMED BIIXI
CALIWWELLI@HOTMAIL.CO.UK
