Uncategorized

Dawlada Muqdisho oo cagta saartay dhabihii kuwii KMG ahaa ee ka horeeyay

Muqdisho Nov 12,2013(SDN)-Sida ay wararka Muqdisho nagu soo gaarayaan waxaa sii xoogeystay khilaafkii u dhexeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raiisul wasarihiisa Cabdiqaadir Shirdoon Saacid.

Khilaafka oo haatan maraya halkisii u sareeyay ayaa waxa labada masuul la kala saftay xubnihii gollaha wasiirada dalka iyada oo habdhaqankani ahaa mid soo maray gebi ahaanba dawladihii tan ka horeeyay ee KMG ahaa.

Wasiiro damacoodu yahay in ay ka mid noqdaan gollaha wasiirada soo socda ama hunguri ka hayo in ayba xafiiska Saacid qudhooda fariistaan ayaa durba la hadal hayaa in ay aroorta ama maalmaha ina haya xilalka iska casilaan.

Wadamada daneya arrimaha Soomaaliya ayaa durba ku xiiqay dejinta xiisadan siyaasadeed xili kooxdii Al Shabaab ee la jebiyay ay dib isu abaabuleyso iyada oo khilaafkan ka faaiideysaneysa.

Si kastaba ha ahaatee dawlada Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka gacanta u gelisay dalalka danaha guracan ka leh Soomaaliya si uu u noqdo dilaalka qura ee arrimaha Soomaaliya lagala hadlo ayaa hada xiisadani ay keeni kareysaa in burbur ay ku keentodawlada dalka.

SDN-Muqdisho

contact”soamalidiasporanews.com