Uncategorized

WAR-MURTIYEED SHIRWEYNAHA WADATASHIGA BEELAHA BARI IYO SANAAG BARI

Bosaaso Nov 12,2013(SDN)-Shir ay maalmihii ina dhaaafay ku laahaayeen magaalada Bosaaso waxgaradka Gobolada Bari iyo Sanaag bari ayaa gunaanadkiisii laga soo saaray baaq ka kooban dhawr qodob oo kala ahaa:

.Qodobada War-murtiyeedka.

In la magacaabo gudi joogto ah oo ka hawlgala meel marinta go’aanada shirka wadatashiga ah xubnihiisuna ka koobanyihiin 13qof.

In Issimadu si degdeg ah isugu yimaadaan shirkii gogoshiisu ku fidsaneyd magaaladda Qardho,haddii Issamadu daneynayaan badbaadinta iyo midnimada Puntland.

In laga hawlgalo arrimaha Sool iyo Cayn. Puntland wax doorasho ahi kama dhici karto ilaa la helo go’aamada qodobka 2aad.

In maamulka in dhago nuglaado qodobada go’aanka shirkan Wadatashiga Beelaha Bari Iyo Sanaag Bari.

Shirku waxa uu baaq u dirayaa si looga hortago khatarta kusoo fool leh Puntland beesha Caalamka gaar ahaan UNSOM,UNDP,AMISOM iyo IGAD .

Dhammaan bulshoweynta reer Puntland iyo maamulka Puntland,wuxuu shirkani ku adkeynayaa ilaalinta nabada iyo midnimada.

 

Guddoomiyaha Shirka Wadatashiga Yuusuf Xaaji Siciid.

SDN-Bosaso

contact@somalidiasporanews.com