Nairobi Nov 12,2013(SDN)-Hayàda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dawlada Soomaaliya ay ku fashilantay baaritaan ay ku sameyneysay haweeney Soomaaliyeed oo ciidamada Amaanka Afirca ee AMISOM la sheegay in ay kufsadeen.
Saxaafada Soomaaliya ayaa shaacisay in bishii August ee ina dhaaftay 9keedii ay ciidamada Soomaaliya afduubteen Haweeney Soomaali ah ka dibna ay gacanta u geliyeen rag ay ku tilmaantay in ay ahaayeen ciidamada AMISOM oo deetana kufsaday.
“Dawlada Soomaaliya waxa ay ku rafatay in ay baaritaan miro dhala ku sameyso kufsiga la sheegay in ciidamada AMISOM ay u geysteen gabadhaa Soomaaliyeed“.ayaa lagu yiri qoraal ay HRW arinkan ka soo saartay.
`Baaritaankan fashilmay ee danbi baarayaasha dawlada Soomaaliya ayaa waxa lagu bartilmaansadaa saxaafada, dhibaneyaasha, Kuwa caawiya dumarka la kufsado iyo markhaatiyada`.ayaa ay HRW mar kale qoraalkeeda ku xustay.
HRW waxa ay dawlada Soomaaliya fartay in ay sameyso baarotaan dhab ah oo arinkan loogu kuur galyo.
Dawlada Soomaaliya oo dhacdadaa foosha xun u saartay guddi baarta ayaa waxa aan weli la daabicin natiijadii baaritaankooda.
HRW oo baaritaan ku sameeysay haweeneyda la kufsaday ayaa waxa u soo baxay in dhaawacyada gaaray ay yihiin qaar la mid ah kufsi.
HRW oo haweeneyda wareysatayna waxa ay uga warantay marxalada ay ku sugan tahay iyo sida aaney ugu noqon kareyn halkii ay ku nooleed bacdamaa dadka oo dhami hadal hayaan.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com
