Qardho Nov 12,2013(SDN0-Haweeney u dhalatay dalka Britain oo lagu eedeeyay in ay ku lug laheyd weeraro argegixiso oo Kenya ka dhacay ayaa markii labaad lagu arkay guddaha Soomaaliya.
Haweeneydan oo uu hore u qabi jiray Germain Lindsay oo ka mid nin hore isugu qarxiyay magaalada London ee cariga Britain.
Samantha Lewthwaite oo 29 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay kamid tahay kooxda Al Shabaab isla markaana ay ku lug laheyd falal argegixiso oo Kenya ka dhacay.
Waxa ay Booliiska Kenya ku eedeeyeen in ku lug laheyd weeroro lagu qaaday goobo masiixiyiintu ku cibaadeystaan iyo weerarkii Westgate Mall lagu qaaday 21kii bishii Sebtember ee ina dhaaftay.
Samantha ayaa hore loogu arkay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay sida ay daabacday jariirada the Mirror ee ka soo baxda Britain.
Iminkana warakii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in Samantha Lewthwaite lagu arkay magaalada Qardho ee Bariga maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
SDN-Qardho
contact”@somalidiasporanews.com
