Finland 19.Nov 2013 (SDN)- Guddomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Sheegay in aan waxba laga badaleynin Isku shandhanta Guddi hoosadyada golaha wakiilada ee dhawaan uu isku badeley, waxaanu xusay in Shirguddonku u dhanaa isku Bedelka Guddi hoosadyada.
Siddaasi waxa uu ku sheegay Mar uu Khadka Telefoonka ugu waramayey Telefeeshinka Caalamiga ee HCTV oo khadka Telefoonka kula xidhiidhay isaga oo Jooga Wadanka Finland.
Waxaanu yidhi “Xeer hoosadka Golaha wakiiladu waxa uu tilmaamaya in laysku shandhayn karo guddi hoosadyada,kaasi oo uu isku shandhan karaan guddomiyaha iyo shirguddoonkuba, go’aankasi hore ee laysku shandhaynayey shirgudoonka oo dhan ayaa wada qaatay in golaha laysku shandheyo waa arrin banaan oo uu xeer hoosadku ogol yahay, haddii wax la ilduufay waa la sixi karaa oo wax dhibaato ahi ma jirto, dee wixii la ilduufayna waa la saxayaa, isku shandhantuna way jiraysaa insha Allaha.”Ayuu yidhi Guddomiyaha Golaha Wakiiladu.
Finland SDN.
Qurbejoog.com
