Hargaysa 20.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL MD Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta shirkaddii Sahaminta shidaalka ka waday gudaha Somaliland ee GENEL ENERGY.
Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa wada shaqayntii buuxday ee ka dhexaysay dawladda Somaliland iyo shirkadda GENEL ENERGY, kulankaana waxaa si weyn la isugu afgartay waxyaabahii la isku afgartay.
Markii kulankaasi dhamaaday waxaa si wada jir ah saxaafadda ula hadlay Wasiirada wasaaradaha arimaha dibada, macdanta iyo tamarta iyo maamulaha shirkadda GENEL ENERGY TONY HAYWARD, waxana ay si rasmi ah daboolka uga qaadeen in shirkadaasi dhinaca sahaminta shidaalku ay si joogto ah dalka uga sii wadi doonto hawlihii dhinaca sahaminta ee ay wadday.
Md Xuseen Cabdi Ducaale wasiirka Macdanta iyo Tamarta oo halkaasi ka hadlaya ayaa sheegay in wadahadaladii midho dhalka ahaa ee u socday dawladda somaliland iyo shirkadaasi ay guul ku soo gebageboobeen dibna ay u sii ambaqaadi doonto shirkaddu fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.
Mr TONY HAWARD madaxa shirkadda GENEL ENERGY oo isna halkaasi hadal ka soo jeediyey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dib ugu soo noqoshada Somaliland, shirkaduna ay dib u bilaabi doonto hawlihii dhinaca sahaminta shidaalka ee ay ka waday dalka.
Madaxa shirkadda GENEL ENERGY waxa uu sheegay inuu aad u soo dhoweynayo is afgaradka dhexmaray shirkadiisa iyo dawladda Somaliland iyo kulanka ay maanta la yeesheen madaxweynaha Somaliland oo uu ku tilmaamay kulan muhiim u ahaa labada dhinac.
Ugu dambayntiina Wasiirka wasaaradda Arimaha dibadda ee JSL MD Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland ballanqaadayso wada shaqayn buuxda oo ay la samayn doonto Shirkaddan GENEL ENERGY ee ku hawlan sahaminta shidaalka ee Somaliland.

Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
