Hargaysa 20.Nov 2013 (SDN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Dawlada Somaliland ee uu Gadhwadeenka ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ku dhaliilay Fashilaada Siyaasadeed iyo Guul darooyinka ay dalka u horseeday isla markaana wax laga Xumaado ku Tilmaantay Wada hadalada Ma dhalayska ah ee ay la Gashay Somalia .
Xisbiga Waddani waxaa kale oo uu eedayn Culus u soo Jeediyay Wasiirka arrimaha Gudaha oo ay Xuseen inuu Axsaabta Mucaaridka ah ku eedeeyay kuwo Xidhiidh la leh Ururka argagixisada ah ee Al Shabaab waxaana sidaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad
Md. Axmed Muumin Seed kaas oo u dhignaa Sidan:- Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay maalin cad xaraashtay qadiyadii madaxbanaanida Somaliland.
Waxaanay ku guuldaraysatay wadahadaladii humaagga ahaa ee ay la gashay Somalia, umadda Somaliland waxa u cad in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadahadaladii ay la gashay Somalia isla markaasna ay doonayso inay caalamka tusto inay midnimo soomaaliyeed raadinayso.
Waxa taas cadayn u ah in wadahadaladii ay ku guuldaraysatay isla markaasna ay iska nabayso inay ka jawaabto marar badan oo Somalia ku celcelisay inay ka baxday wadahadaladii iyo qodobadii lagu heshiiyey.
Markii wadahadalada lagu jiray waxa go’aamada gaadhayey xubno madaxtooyada Axmed Siilaanyo diratay oo u xaglinaya isla markaasna aaminsan mabda’a Somalia.
Waxaa la ogyahay in guddigii wadahadalada laga dareeriyey fadhiga wadahadalada oo ay ku hadhi jireen xubno si gaar ah isu ogaa oo wada xidhiidhi jiray oo u xaglinaya dhinaca Somalia.
Dhinaca kale waxaanu aad uga xunnahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa ku sheegi jiray Al-shabaab uu maantana xisbiyada qaranka ku aflagaadeeyo wixii xukuumadda uu ka tirsanyahay lagu tuhmayey ee ah inay qaddiyadii madaxbanaanida Somaliland xaraashtay.
Wasiir Cali Warancadde wuxuu hore usoo baabiiyey XIsbigii UDUB maantana wuxuu baabiinayaa qaranka Somaliland, waxa nasiib darro ah in Wasiir Cali Warancadde uu garsoorkii dalka ku sheego laaluush qaatayaal maantana xisbiyada qaranka uu aflagaadeeyo, iyada oo amaankii dalku faraha kasii baxayo oo hadhka cad la toogto xildhibaanadii shacabku soo doorteen.
Nin xilkiisi gabay yaanu ku galgalanin xisbiyada mucaaridka ah.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
